U bood dhigaalka

Dowladda Talyaaniga Oo Sheegtay In Ay Diyaar u Tahay Caawinta Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Talyaaniga Paolo Gentiloni oo ka qeybgalaya shirka madasha 6aad ee ka dhacay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa sheegay in sanadkani uu muhiimad gaar ah u leeyahay Soomaaliya iyadoo lagu wado in dalka Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho heer baarlamaan ah.

Wasiir Poalo Gentiloni ayaa tilmaamay in geedi socodka lagu xasilinayo Soomaaliya iyo dadaallada socda ee wax looga qabanayo arrimaha Soomaaliya ay yihiin kuwa sababta u ah in shirkaan looga hadlayo arrimaha Soomaaliya uu ka qabsoomo dalka Turkiga wuxuu sidoo kale bogaadiyey go’aankii dhawaan Soomaaliya ay ka gaartay nuuca ay u dhaceyso doorashada soo socota ee ka dhaceysa Soomaaliya wuxuuna ku tilmaamay tillaabo muhiim ah oo horay loo qaaday.

Poalo Gentiloni wuxuu muujiyey sida Talyaanigu uu diyaar ugu yahay taageerada Soomaaliya iyadoo sida uu sheegay horayba Talyaanigu u caawin jiray Soomaaliya wasiirku wuxuu hadalkiisa sii raaciyey in xaaladda siyaasadeed ee hadda ka jirta Soomaaliya ay tahay mid ay ka muuqato rajo wanaag laakiin wuxuu sheeagy in loo baahan yahay in wax badan la qabto.

Poalo Gentiloni wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Talyaaniga wuxuu farta ku goday xarakada Alshabab oo uu ku tilaamay in ay tahay koox qorsheysa weeraro qatar badan inay geystaan weliba ay leeyihiin awood ay ku dhaqdhaqaaqaan laakiin wuxuu sheegay in howlgalka AMISOM ee Midowga Africa ay door wanaagsan ka ciyaareen sidii looga hortegi lahaa kooxaha xag-jiriinta ah iyagoo buu yiri soo celiyey ammaanka dalka.

Wasiirku wuxuu sheegay in dowladda Talyaaniga ay ka go’antahay taageeridda ciidamada ammaanka ee Soomaaliya iyadoo buu yiri marna aan la kaashaneyno midowga Yurub marna aan toos ula shaqeyneyno dowladda Soomaaliya inagoo siineyna tababar joogto ah iyo qalab boliiska Soomaaliya.

Gentiloni wuxuu sidoo kale sheegay in ku dhawaad 20 million oo Euro ah loo qoondeeyey Soomaaliya sanadkan 2016-ka iyadoo 14 million loo isticmaali doono horumarinta dalka halka 6da million ee kalena loo adeegsan doono arrimaha bini’aadanimo.

Gentiloni wuxuu ku celceliyey in dadaalada Talyaanigu ku doonayo in Soomaaliya nabad loogu soo celiyo ay hadda socdaan iyadoo buu yiri diiradda la saari doono dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee dhinaca dowladda wanaagga isagoo ugu dambeyn sheegay in shir looga hadlayo ganacsiga Soomaaliya uu ka dhici doono magaalada Rome ee dalka Talyaaniga bisha March ee sanadkaan.

Goobjoog News