U bood dhigaalka

Dowladda Turkiga Oo Awood Kula Wareegtay Mid Ka Mid Ah Wargeysyada Ugu Caansan Dalkaasi

Sheeko:Dalka

Boliska dalka Turkiga ayaa xoog ku galay xafiisyada wargeyska mucaaradka ah ee Zaman saacado un kadib markii maxkamadi ay xukmisay in dowladda la hoosgeeyo lana socota dhaq dhaqaaqa wargeyskaasi.

Booliska ayaa galay dhismaha Wargeysku uu ku leeyahay magaalladda Istanbul xalay, isaga oo u isticmaalay sunta dadka ka ilmeysiisa dad cabanayey oo isugu soo uruuray iridda hore ee dhismaha wargeyska.

Jariiradda Zaman ayaa aad loola xiriiriyaa dhaq-dhaqaaqa Hizmet oo uu hoggaamiyo wadaadka saameynta badan ee saldhiggiisu yahay dalka Mareykanka ee Fethullah Gulen.

Dowladda Turkiga ayaa u aqoonsan kooxda Hizmet mid argagixiso oo u jeedkoodu yahay sidii ay u afgambin lahaayeen maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Mr Gulen ayaa mar ahaa saaxiibka  Mr Erdogan, balse   labada nin siyaasada ayey kukala tageen, rag badan oo ka mid ahaa taageerayasha kooxda Hizmet xabsiyada ayey ku jiraan.

Dowladda Ankara waxaa ku sii kordhaya cadaadis caalami ah oo ku saabsan sida dowladda Turkigu ay ula dhaqanto warbaahinta xorta ah.

Maxkamad ayaa xukmisay in wargeyska Zaman oo aad loo jecelyahay uu dowladda hoosyimaado jimcihii shalay, mana jirto faahfaahin dheeraad ah oo arrinkaa laga bixiyey.

Boqolaal dad carreysan ah oo aad u taageera wargeyska ayaa ku sugnaa xalay oo dhan bannaanka hore ee dhismaha wargeyska iyaga oo ka cabanaya lawareegidda dowladda ee wargeyskan.

Dadka cabanayey ayaa ku dhawaaqayey hadallo ay ka mid ahaayeen,’’waxaan u dagaalameynaa warbaahinta xorta ah.’’xilli booliskuna uu la dhacayey budad iyo biyo kulul oo dadka lagu shubayey.

Goobjoog News