U bood dhigaalka

Dowladda Turkiga oo Cambaareysay Weerar Lagu Qaaday Xerada Turksom

Sheeko:Amniga

Dowladda Turkiga   ayaa war kasoo saartay qaraxii Ismiidaaminta ahaa oo shalay ka dhacay agagaarka dugsiga tababarka ciidamada ee Turksom ee Magaalada Muqdisho.

Qoraalka  kasoo baxay dowladda Turkiga ayaa lagu cambaareeyay falkas  oo  uu fuliyay ruux  isku soo xiray waxyaabaha qarxa, waxaana ka dhashay Khasaaro soo gaaray  arday sugeysay gelidda xerada iyo askar.

”Waxaan la qeybsaneynaa murugada saaxiibadeena iyo shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah, waxaan u rajeyneynaa naxariistii Allah ee kuwa naftooda ku waayey inta uu socday weerarka, waxaan tacsi u direynaa qoysaskooda”. ayaa lagu yiri qoraalka soo baxay Turkiga.

Qaraxa ayaa ka dhacay afaafka hore ee xerada ayaa waxaa ku dhimatay sedex ruux oo mid ka mid ah uu yahay arday iyo askarigii isku hor istaagay ruuxa naftiis huraha ah oo u diiday unuu isku daro ardayda gudaha galaysay.

Goobjoog News