U bood dhigaalka

Dowladda Turkiga Oo Dhiseysa Wadada 30-ka Ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Guddomiyaha gobolka Banaadir iyo wafdi ka socda dowladda hoose magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa socdaal qiimeyn ah ku tagay wadada 30-ka ee magaalada Muqdisho oo la doonayo in dhawaan laga billaabo dib u dhis.

Xubnaha ka socda dowladda Hoose ee Istanbul ayaa sheegay in ay fulin doonaan ballanqaadkoodii ahaa inay dhisaan wadada 30-ka ee magaalada Muqdisho.

Yuusuf Xuseen Jimcaale, guddoomiyaha gobolka Banaadir oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in dowladda hoose ee Istanbul ay billowdo fulinta ballanqaadyadeedii hore.

Guddoomiyaha ayaa rajo ka muujiyey in sida ugu dhaqsiyaha badan loo billaabo dhismaha wadadaasi.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa dadaal xooggan ugu jira sidii loo dhisi lahaa dhammaan waddooyinka magaalada Muqdisho oo badi ah kuwo burbursan.

Dhawaan waxaa la dhisay waddooyinka kala ah Sayidka illaa Isgoyska Howlwadaag iyo sidoo kale wadada isku xirta Isgoyska Zoobe ilaa iyo danawadaagta ee degmada Wadajir.

Sidoo kale maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in wadada Wadnaha oo muhiim u ah bulshada iyana lagu dhisi doono iskaa wax u qabso.

21 22 20

Goobjoog News