U bood dhigaalka

Dowladda Turkiga oo Garwadeen Ka Noqonaysa Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa  la kulmay Ergayga dowladda Turkiga u qaabilsan Wadahadallada Dowladda Federalka Soomaaliya  iyo Somaliland, xilli muddooyinkii dambe istaagay wadaxaajoodka dhinacyada.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa  diiradda lagu  saaray halka howsha ay mareyso iyo kaalinta ay dowladda Turkey ka qaadan karto sidii markale dib loogu anboqaadi lahaa wadahadallada labada dhinac, waxaana la xasuustaa in Turkigu kaalin weyn ku laheyn tan iyo kulamadii ka dhacay Istanbuul ee heshiiska lagu gaaray.

Ergayga ayaa dowladda Turkiga uga mahadceliyay doorkii muhiimka ahaa ee ay wadahadallada labada dhinac ka soo qaateen, waxaana dhankiisa uu ballann qaaday in dowladda Turkiga ay ka go’an tahay in door muhiim ah ka ciyaarto wadahadallada u dhaxeeya labada dhinac, kaas oo markale lagu rajo weynin dib la isugu yimaado.

Wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa ayaa soo maray marxalado kale duwan, tan iyo markii dowladda Turkiga ay dhinacyada gogol ugu fidisay magaalada Istanbuul, xilligaas uu madaxweyne ahaa madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo markale dib loo doortay, isaga oo kulankiisii ugu horeeyay la qaatay madaxweyne Siilaanyo.

Somaliland ayaa dhowaan soo dhoweysay Ergayga madaxweyne Xasan Shiikh u magacaabay wadahadallada la filaayo in markale dhinacyadu dib u anbo qaadaan, waxaana marar badan dowladda federalka ay ku celisay in marnaba aysan raai ka noqoneyn in dalka la kala jaro, taas oo dhaawaceysa Midnimada umadda Soomaaliyeed.

Goobjoog News