U bood dhigaalka

Dowladda Turkiga Oo Sheegtay In Weli Diyaar u Tahay Caawinta Shacabka Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Numan Kurtulmus oo wareeysi gaar ah siiyey Goobjoog News isaga oo ku sugan magaalada Ankara ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa ugu horeen ka hadlay sidii ay shacabka Soomaaliyeed ee abaartu ku dhufatay sanadkii 2011-ka u caawiyeen iyo sidoo kale safarkii ugu horreeyay ee madaxweynahooda ku yimid magaalada Muqdisho.

“Sida aad ogtahay Turkigu waa dalkii ugu horeeyey ee yimid Soomaaliya si uu u caawiyo dadka Soomaaliyeed markaasoo dadka Soomaaliyeed ay weeraro ku hayeen kooxo argagixiso ah mana jirin cid kale oo ku dhiiratay iney imaato oo ay isbarbartaagto dadka Soomaaliyeed”

“Madaxweynaheena oo xilligaas ahaa Ra’iisulwasaare wuxuu yimid Soomaaliya iyadoo ay la socdaan laba diyaaradood mid ka mid ah diyaaradahaas waxaa jiray waxyaabo la doonayey in lagu caawiyo dadka Soomaaliyeed midda kalena waxay sidday agab caafimaad marka tan iyo xilligaas Soomaaliya waxaa inagala dhaxeeya xiriir aad u wanaagsan”

“Turkigu wuxuu ku dhiirigelinayaa iney Soomaaliya wax ku dhisato iyadoo u mareysa dimuqraadiyad hufan laakiin nasiib darro weli meeshii la rabay lama gaarin, Soomaaliyana waxay si dhaqsi leh u adeegsan doontaa dimuqraadiyad hufan”

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga oo u waramay Goobjoog ayaa sidoo kale sheegay in weli ay diyaar u yihiin inay caawiyaan dadka Soomaaliyeed si ay u dhistaan hay’adahooda dowliga ah.

“Turkigu wuxuu weli diyaar u yahay inuu caawiyo walaalihiis Soomaaliyeed si ay u dhistaan hay’adahooda dowliga ah, waxaan dayactir ku sameynay garoonka diyaaradaha waxaan furnay isbitaal si aan u taageerno Soomaaliya laakiin arrinta ugu wanaagsan waxay tahay inaad dhisataan nidaamkiina waxa awood u leedihiin inaad dhisataan hay’ado waxtar leh waxaana ogahay in dhibaatooyin badan oo waaweyn ay idin haystaan oo dhinacyo badan idinkaga imaanaya laakiin wey waxaad ku joogtaan wadadii saxda ahayd”

Waxa uu tilmaamay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga Numan Kurtulmus in hadii jawi siyaasadeed wanaagsan ay hesho Soomaalida inay ka maarmi doonaan faragelin shisheeye oo aayahooda iyaga un ka tashan karaan.

“Insha allah haddii aad sameystaan jawi siyaasadeed oo wanaagsan waxaad awoodi doontaan inaad adinku arrimihiina ka wadahadashaan taasoo meesha ka saareysa in faragelin lagu sameeyo arrimihiina siyaasadeed iyo go’aanqaadashadiina”

“Marka waxaad u baahantihiin oo keliya inaad jawi siyaasadeed abuurtaan oo aad uga doobeysaan arrimaha siyaasadeed kadibna aad sameysataan hay’ado dimuqraadi ah oo shaqeynaya oo qaranku leeyahay ama bulshada rayidka ah iyo sidoo kale inaad dhistaan hay’ado horumarineed oo hufan anaguna waxaan diyaar u nahay inaan idinka taageerno dhammaan waxyaabahaas” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Numan Kurtulmus oo ah ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka isaga oo u waramayey Goobjoog News.

Axmed Weli Xuseen

Goobjoog News

Ankara, Turkey