U bood dhigaalka

Dowladda Uganda Oo Ka Fikireysa Inay Ciidankeeda Kala Baxdo Soomaaliya Iyo Afrikada Dhexe

Sheeko:Dalka

Dowladda Uganda ayaa sheetay in ay ka fikireyso in ciidamadeeda ka jooga dalalka Soomaaliya iyo Afrikada dhexe inay dib ula baxdo.

Warbaahinta caalamiga ah ayaa baahiyey hadal uu sheegay Afhayeenka ciidanka Uganda Gaashaanle Dhexe Paddy Akunda kaasi oo ku aadan inay la bixi doonan ciidankooda.

Wuxuu sheegay Afhayeenka in hadda la sameeyay guddi kasoo tala bixiya arrimahan.

Tani ayaa la sheegayaa inay timid kadib markii Maraykanka iyo Midowga Yurub ay mugdi geliyeen doorashadii dhawaan uu mar kale ku guuleystay madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni.

Ciidamada AMISOM ayaa qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaliya, waxaana la ogeyn sida uu ku dambeyn doono qorshaha ay waddo dowladda Uganda.

Goobjoog News