U bood dhigaalka

Dowladda Xasan Sheekh, Ma U Diyaarsan Tahay In Ay Dib U Dejiyaan Qaxootiga Ay Kenya Ka Xireyso Xeryaha?

Sheeko:Dalka

Kenya waxaa ay markii labaad muddo sanad ah ku dhawaaqday in ay xireyso xeryaha Dhadhaab iyo Kaakuma, Haddii Kenya ay xirto labadaasi xero, Maxaa u diyaarsan dowladda Soomaaliya? Qaxootiga halkaas degen 26 sano wanaag ma arkin, waxaa intaa u dheer handadaad iyo haddalo xun oo maalin walba ay maqlaan…. Dowladda Xasan Sheekh Mas’uul Ma ka tahay Qaxootigaas?

Su’aashaas in maanta dowladda aan weydiino waxaa keenay kadib markii wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya Karanja Kibicho uu Jimcihii ku dhawaaqay in dowladdiisa ay xireyso Xeryaha qaxootiga Kenya.

“ Kenya waxaa ay ahmiyadda siineysaa amaanka qaranka, waxayna go’aansatay in martigelinta Qaxootiga ay soo afjarto” sidaa waxaa yiri Karanja Kibicho.

Wasiirka ma sheegin goorta ay Kenyaanka xirayaan iyo qaabka intaba, dowladda Soomaaliya ilaa iyo hadda afka kalama furin, laakiin hadalka wasiirka su’aalo badan ayaa ka dhalan kara? Su’aalo ay tahay in hadda la sii weydiiyo? Su’aalaha in ay yimaadaan waxaa keenay erayga “Dalkeenna baxa” oo soo noqnoqday!!

Wasiirka arrimaha dibadda Amina Maxamed ayaa dhankeeda sheegtay in beesha caalamka aanay dowladda Kenya ku caawin lacago qaxootiga lagu maareeyo taasina ay keeneyso in la xiro xeryaha qaxootiga.

Hey’adda MSF ayaa ka digtay in dhibaato soo wejihi karta qaxootiga haddii la xiro Dhadhaab iyo Kaakuma halka UNHCR ah ay sheegtay in ay xiriir la sameysay dowladda Kenya si ay wax badan uga ogaato go’aankaas.

Sanadkii hore bishii July madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa ku hadlay hadallo midka wasiirka ka adag, kana welwel badnaa,  Ruto waxaa uu 3 bil u qabtay Qaxootiga in ay uga baxaan dalka Kenya isagoo intaa raaciyay in Mareykanka uu isbedelay 9/11 kadib, Kenyana ay isbedeli doonto weerarkii Garisa kadib.

Qoraalkan ugama hadleyno heshiis 3 geesood ah ee  Kenya, Soomaaliya iyo hey’adda UNHCR ka gaareen arrimaha qaxootiga 2013-kii, Kama hadleyno Qaxootiga dalka iskood uga soo noqday maxaa loo qabtay, halkee la dajiyay, Laakiin su’aasha ugu muhiimsan waa dowladda Soomaaliya, Ma U Diyaarsan Tahay In Ay Dib U Dejiyaan Qaxootigeenna?

Si su’aalahaas Jawaab loogu helo waxaa la xiriirnay Madaxtooyada iyo wasaaradda arrimaha dibadda  balse nooma suurogelin, Su’aashaas weli waa taagan tahay? Dowladda Xasan Sheekh: Ma U Diyaarsan Tahay In Ay Dib U Dejiyaan Qaxootigeenna?

Qaxootiga Soomaalida:

Soomaaliya ayaa ku qaxday dalka Kenya wixii ka dambeeyay 1991-kii kadib markii ay dhacday dowladdii Siyaad Barre, waxaa uu qax labaad dhacay 2011-kii markii abaaro ba’an ku dhufteen dalka.

Xerada Qaxootiga ee Dhadhaab waxaa ku jira dad lagu qiyaasay ilaa 500,000 halka tiro kale ay ku jiraan xerada Kakuma, Qaxootiga  waxaa ay halkaas ku heystaan nabadgalyo, Guri, Waxbarasho, Cunto,  Biyo, Caafimaad lacag la’aan.

Qaxootiga Soomaalida ee ku jira Dhadhaab tusaale ahaan waxaa jiro qof halkaas ku dhashay oo maanta ilmo halkaas ku dhalay, Waxaa ku jira dad halkaas wax ku bartay, intooda badan waxaa laga yaabaa in aanay waligood arkin Soomaaliya ama xitaa in aanay rabin in ay dib u soo laabtaan.

Dowladda Soomaaliya ma jecla in hadda oo dalka doorasho isku diyaarinayo 2016-ka lagu soo qaado Qaxooti, Laakin ogoow in dadkaas ay Soomaali yihiin, qaxootigaas waxaa ay u baahan yihiin dowlad, waxay u baahan yihiin garab.

Ilaa goorma ayey Kenya beesha caalamka ugu gooddineysaa arrimaha qaxootiga Soomaaliya? Maxaase dadkaas ka dhigay dad markasta nugul? Sow lama gaarin xiligii dowladda Soomaaliya ay mas’uuliyad sheegan laheyd? Haddii maanta aan diyaar loo aheynse, Goorma ayaa diyaar loo noqonayaa?

W/Q:- Abdi Aziz Gurbiye

Goobjoog News