U bood dhigaalka

Dowladda : Xoog Laguma Qaadan Karo Baddeena, Maxkamadda Adduunka Ayaa Noo Garsooreysa

Sheeko:Dalka

Admiral Faarax Axmed Cumar (Qare), maareeyaha hey’adda cilmi-baarista badaha ayaa sheegey in ay kalsooni ku qabaan in dowladda Soomaaliya ay ku guuleysan doonto dacwadda badda ee Kenya ka dhanka ah ee taalada maxkamadda adduunka.

Waxa uu ka hadlayay siminaar maanta loo qabtay illaa 20 shaqaale oo ka tirsan hey;adda, kuwaasi oo la barayay shuruucda caalamiga ah ee badaha la xiriirta.

“aniga ma aaminsani fikradaasi, Soomaalida ayaa aamisan Ninkii xoog weyn iyo ninkii xoog yar cadaalada looma simi karo, aduunka waxaas kama jiraan, Maxkamadda arrintaani ku jirto waa Maxkamad Caalami ah oo Dadka u dhaxeysa, marka garta inaga ayaan heli karno marka aan eegnay xukunadii horay ay u riday Maxkamadda Caalamiga ah. Soomaalida waxaan leeyahay guuldaro ma jirtee bal u kaadiya oo kalsooni muujiya” ayuu yiri Admiral Qare.

Soomaaliya ayaa si rasmi ah dacwad uga furtey Kenya, taasi oo la geeyey maxkamadda caddaalada ee adduunka ee ku taala magaalada Heeg.

Goobjoog News