Dowladdu Ma Dafiri Kartaa Masuuliyadda Soo Celinta Qaxootiga?

Waxay ahayd mar sii horreysay markii ay warbaahintu tabisay dhibaatooyin dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray xubno ka tirsan qoysas Soomaaliyeed oo qaxooti ku ahaa wadanka yemen oo ay dagaalladu ka socdaan.

Qof kasta oo ka damqaday dhibaatadaasi xanuunka badan ee soo gaartay dad Soomaali ah oo aan ku nooleyn wadan aan kooda aheyn oo ay dagaalana ka dhacayaan ayaa qiray in ay lagama maarmaan tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu gurmado dadkaasi oo Il biriqsi kastaa la fili karo in dhibaatooyin kale oo intaasi ka xannuun badan ay soo wajahaan.

U gurmashada dadkaasi oo weliba ah in sida ugu deg-degsan dalkooda loogu soo celiyo iyagoo laga bad-baadinayo xabadaha iyo madaafiicda Yemen ka dhacaya waxaa iska cad in masuuliyadda ugu horreysa ay leedahay dowladda federaalka ah.

Madaxda dowladda ugu sarreysa iyagoo garowsan Masuuliyadaasi ayuu madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah xasan sheikh maxamuud sheegay in ay aad iyo aad uga xannuunsan yihiin waxa dhibaato ah ee soo gaaraya qaxootiga soomaaliyeed oo ku dhex xaniban goobaha ay dagaaladu ka holcayaan ee wadanka Yemen.

Aragtida saliimka ahi ee ka imaaneysa caqliga fiyoow waxay ina tuseysaa in wax kasta oo qofka xannuun ku haya uusan isku eegane uu raadiyo xalkii lagu dabargoyn lahaa ama xittaa lagu yareyn lahaa xannuunkaasi.

Laakiin maalintii uu madaxweynuhu sheegay in ay xannuunjineyso dhibaatada qaxootiga Soomaaliyeed ee wadanka yemen ka dib hal maalin gelinkeed waxaa geeriyootay in ka badan Afartan qof oo Soomaali ah oo lagu duqeyey meel ka mid ah wadanka Yemen xilli ay colaadda ka baxsanayeen.

Waa sax naf socotaahi cidna ma celin karto laakiin khasaaraha waa la yareyn karaa wax walbana dadaalka iyo howsha la geliyo ayuu mira dhalkeeda ku xiran yahay.

Malaha xannuunka wax qalbiga ka yimid ma aheyn, haddii uu ahaa maxaa hadalkaas loo daba dhigi waayey ficil wax qabad ah laga soo billaabo maalintii hadalkaasi la sheegay illaa xilligan oo laga joogo mudo dhowr todobaad ah oo wax kasta lagu qaban karayay?

Ra’iisul wasaaraha soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo wareysi gaar ah siiyey idaacaddan Goobjoog ayaa sheegay In xukuumaddu diyaarisay qorshayaashii qaxootiga Yemen ku dhibban lagu soo rari lahaa, isla markaana guddi arrintaasi ka shaqeeya la dhisay, markab ay xukuumaddu dirtay uu cadan ku xiran yahay, mar u imaaraadka tegay in dowladdaasi ay u ballan qaaday taageero dhaqaale iyo maraakiib, maamulada in ay kala hadleen in la caawiyo qaxootiga.

Codkaasi ra’iisul wasaaraha wuxuu ahaa hadal cad oo muujinaya in xukuumaddu ay door weyn ku leedahay bad-baadinta iyo soo daabulidda qaxootiga yemen.

Bal is weydii wareysiga oo la qaaday maalintii koowaad ee bishan May ilaa maanta maxaa wax qabad ah oo ballan qaadkaasi ka dib dhacay? aaway guddigii ay xukuumaddu dhistay iyo wax qabadkii ay ku tallaabsadeen haba yaraatee? Taageerada imaaraatku u ballanqaaday xukuumadda cumar c/rashiid xagee ku dambeysay? markabka uu ra’iisul wasaaruhu ku sheegay wareysigiis ee taagan dekedda cadan oo ay xukuumaddu dirtay weli hal ruux oo qaxootiga ka tirsan oo uu soo qaaday mala keenay meel ka mid ah cariga Soomaaliya?

Waan filayaa in dhammaanba weydiimahaas aad jawaab u heyso, sababtoo ah wax laga qabtay arrimahaas oo aad ogtahay ma jiraan, laakiin imakana is weydii maxaa hortaagan, illeyn il-biriqsi kasta qof baa ku dhimanaya midna waa uu ku dhaawacmayaa dagaalada yemen ka soconaya.

Waxaan aaminsanahay oo aan filayaa in cid igu khillaafsanna aysan jirin in bad-baadinta nafta bani’aadamka wax ka horeeya oo ka muhiimsan aysan jirin, laakiin maxaa ballanqaadyada ka dhigay kuwo af ka sheeg uun iska ah, hadaladana ka dhigay kuwo halkii lagu yiri sooma dhaafaan ah.

Wasiirka arrimaha Dibadda soomaaliya Dr. C/salaam Hadliye Cumar oo maalmo ka hor aynu ka wareysanay arrimaha qaxootiga iyo soo celintooda iyo waxyaabihii ka qabsoomay balanqaadyadii ay dowladdu sameysay ayaa ku Jawaabay “Tamarta Dowladdan waad ogtahay…Tabaalada Dowladdan waad ogtahay… wixii la qaban karaba waa la qabanaya, laakiin haddaad kusoo celceliso uun dowladdu maxay tiri?… uma maleynaayo inaad jawaabo gooniyah iga heleyso!  Dowlado goboleedaa jira, dowladda sarraa jirta, dagaalbaa meelaha qaarkood ka socda… waddankan iyo dalkan iyo dadkan dowlad kaliya wax uma qaban karto…”

Wey dhici kartaa in dadka qaar ay u arkaan in dowladdu iska itaal yartahay marka dhinaca dhaqaalaha laga hadlayo, laakiin ka fakar, dhismaha maamul goboleedyada odoyaasha loo arko in ay wax uun culeysyo ah ku keeni karaan imisaa markiiba jeebka loogu shubaa.

Tusaalaha ugu dhow haddii aan soo qaadano, markii uu socday shirkii dhuusamareeb odayaashii tabashada keenay waxaa igu maqaala ah in ay dalbadeen in la siiyo lacag laba milyan oo dollar ah, balse la siiyey lacag lixdan kun oo dollar ah.

Dabcan dhismaha maamul goboleedyada waa mid ka mid ah masuuliyadda dowladda federaalka ah, laakiin lacagta intaasi la’eg iyo lacagaha kale ee siyaabo kuwaasi la mid ah lagu bixiyeyba waxay dalkooda si nabadgelyo ah ugu soo celin karaan boqolaal kun oo qoys haddiiba aysan malaayiin aheyn.

22kii bishii hore Guddiga joogtada ee baarlamaanka federaalka ah ee soomaaliya ayaa kulan ay yeesheen ku sheegay in baarlamaanku uu lacag ugu deeqayo soo celinta qaxootiga soomaaliyeed ee wadanka yemen ku dhiban.

Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad oo markii uu kulankaasi soo gebageboobay kadib la hadlay Warbaahinta wuxuu sheegay in Guddida Joogtada ah ay go’aamiyeen in Baarlamaanku ku deeqo lacag gaareysa 300,000$ (Seddex Boqol kun oo Doollar) oo loogu tala galay dib u soo celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Yemen ayadoo lacagtanna laga jarayo gunnada ama Mushaarka ay qaataan Xildhibaannada Baarlamaanka iyo howlwadeennada Golaha Shacabka.

Maalintii go’aankaasi quruxda badan lagu dhawaaqay ilaa maanta waxaa laga joogaa ku dhawaad 20 casho bal Mar kale is weydii lacagtaasi mala ururiyey? xildhibaanadu ma iska jareen? qoysasna malagu soo daabulay?

Kasoo gudub, 27kii bishii april ee lasoo dhaafay wareysi ay goobjoog la yeelatay agaasimaha baarlamaanka maxamed ciyoow wuxuu sheegay in dowladdu ay dirtay laba markab oo deg-deg ah oo weliba midkood uu ku xiranayay dekedda makha ee waddanka yemen.

Haddaba dhageystoow makula tahay in labadaasi markab ay yemen ku xirteen dadna kasoo bad-baadiyeen dhibaatada yemen ka jirta, waa xaqiiqo weli wax la hubo oo dadkaasi qaxootiga ah loo qabtay oo aan hadal iyo ballan qaad aheyn ma jiraan.

6dii bishan may in ka badan shan boqol oo qaxooti soomaaliyeed ah oo ka soo cararay dagaalada yaman ayaa iyaga oo aan wax caawimaad iyo gurmad kale midna ka helin dowladda federaalka ah, maamul-goboleed iyo ganacsatada ayaa si iskood ah isu abaabulay qarashkana iska bixiyey oo dalkana dib ugu soo laabtay, wakaaladaha qaarkood ayaan ka aqriyey in dadkaas ay wax xoogaa gacan ah ka heleen hey’ado maxali ah oo ka howlgala qaar ka mid ah magaalooyinka wadanka yemen.

Dadkaasi Soo laabashadooda ka dib weli ma jiraan cid wax iska weydiisay ama diyaar u ah in ay hadda ka dib iska weydiiyaan, sida ay tahay dadkaasi noloshooda, waxa ay u baahan yihiin iyo sida loogu heli karo.

Xildhibaanada baarlamaanka, xubanaha golaha xukuumadda iyo shaqsiyaadka kale ee dowladda ugu sarreeya halkii ay ku mashquuli lahaayeen u gurmashada dadka dhiban ee yemen naga jooga waxaa laga badin la’yahay is-qabqabsiga iyo muranada ku saabsan siyaasadaha dhismaha maamul-goboleedyada.

Xildhibaanada baarlamaanka halkii ay dar-dar gelin lahaayeen balanqaadkoodii ahaa in ay lacago iska jarayaan si qaxootiga loogu gurmada waxay ku mashquuleen abaabul mooshin laga keeno maamulka uu hogaaminayo axmed madoobe.

Wey dhici kartaa layaabna malahan in ayada oo siyaasadaha dalka ka jira ay heerkan marayaan qofkii ka weecda oo ka hadla qaxooti iyo arrimahood in loo arkayo qof dib dhacsan oo aan wadcigana la jaanqaadeynin xittaa haddii uu saxafi yahay laakiin waxaa hubaal ah in tallaabada ugu muhiimsan ay tahay ka dhabeynta sidii qaxootiga naga maqan ee weliba meelaha ay joogaan ku dhiban dalkooda si nabad ah loogu soo celin lahaa dib-u-dejinna loo sameyn lahaa.

Masuuliyadda ugu weyn ee arrintaasina waxay saaran tahay madaxda dowladda federaalka ah oo mar dhow iyo muddo fog kadibba wax laga weydiin doono.

W/Q: Aweys Xaaji Nuur (Aweys Aar)

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW