U bood dhigaalka

(DP) World Oo Heshiis La Gashay Dalka Kazakhstan

Sheeko:Dalka

Dubai Ports (DP) World ayaa sabtidii dalka Kazakhstan kula heshiisay in ay maamusho 2 goob oo ganacsi iyo dhaqaalaha dalkaasi u tiirsan yahay.

Heshiiskan waxaa dhanka shirkadda u saxiixay madaxa DP World Sultan Ahmed Bin Sulayem halka Kazakhstan uu u saxiixay madaxa shirkadda Kazakhstan Temir Zholy (KTZ) Kanat Alpysbayev iyo duqa magaalada Mangistau region of Kazakhstan, waxaa goobta joogay dhaxal-sugaha Abu Dhabi Sheikh Mohammed Bin Zayed  iyo madaxweynaha  dalka Kazakhstan Nurusltan Nazarbayev.

Dubai Ports oo loo yaqaano (DP) World, waa shirkad dowli ah, waxaa iska leh xukuumadda imaaradda Dubai, waxaa ay inta badan gashaa heshiisyo dhaqaale, waxaana ku adeegato Imaaraadka.

Shirkaddan waxaa ay Soomaaliya kala heshiisay Somaliland(Berbera) iyo Puntland(Boosaaso), labadaba waxaa ka taagan muran sidii heshiisyada u fuli lahaayeen.

Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa aqal waxaa uu go’aan ku gaaray in shirkaddan laga ceyriyo dalka, qaraarkii waxaa uu horyaallaa madaxweyne Farmaajo kaas oo aan weli saxiixin.

Goobjoog News