U bood dhigaalka

Dr Axmed Siyaad Sabriye ” Farmaajo Diyaar uma Ahan in Doorasho Dalka Ka Dhacdo “

Sheeko:Amniga

Dr. Axmed Siyaad Sabriye oo xubin ka ah dhaqdhaqaaqa Maanifeysto labo ,  oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog ayaa  ka hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira  doorashooyinka  dalka ayaa sheegay in xaaladda dalka hadda uu ku sugan yahay meel adag oo laga cabsi qabo in ay doorasho dhiciweyso.

Dr. Axmed Siyaad  ayaa xusay in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uusan diyaar u aheyn in dalka ay ka dhacdo doorasho, waxaana uu intaas ku daray in mar kale la joogo waqtigii Soomaali loo  baaqi lahaa oo loo baahan yahay taladooda, in la isku tago dalkana la badbaadiyo sida uu hadalka udhigay Dr. Axmed Siyaad Sabriye.

Halkaan Ka Daawo:  Wareysiga Dr. Axmed Siyaad Sabriye 

 

Goobjoog News