U bood dhigaalka

Dr. Cabdinaasir Maxamed Oo Ka Mid Noqday Murashaxiinta Madaxtinnimada Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dr. Cabdinaasir Maxamed oo ka tirsan xisbiga Gurmad, ayaa magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota uga dhawaacay in uu yahay murashax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Xafladda waxaa joogay xubno ka tirsan xisbiga Gurmad iyo qurbajoogta Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka.

“Anigoo Gurmad ka tirsan, oo tixgelinaya rajada ay Shacabka Soomaaliyeed ka qabaan Gurmad iyo taageerada ay uga muujiyeen meel walba oo aaduunyada tagno ama la xiriirno, waxaan caawa ku dhawaaqayaa in aan ahay Calan sidaha Gurmad iyo murashaxa madaxtinimada Soomaaliya ee sanadkan dabayaaqadiisa” sidaa waxaa dadka u sheegay Dr. Cabdinaasir.

Isagaoo intaa ku daray in  Ujeedkiisu aanu ahayn mid shakhsi ah ee ay tahay soo celinta rajada umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto gudaha iyo dibadaba.

Dr. Cabdinaasir Maxamed oo horey aan wax shaqo qaran u soo qaban waxaa uu ugu dambeyntii dadka u sheegay in ay u cuntami weysay nolosha qurbaha, sidaa darteedna uu dalkii ku soo noqoanayo si umadda uu wax ugu qabto, kana shaqeeyo nabadda, dib u heshiisiinta, iyo Cadaaladda, waxaa uu balan-qaaday in uu wax ka qaban doono Cadaalad darida gashay meelo badan oo ay ku jirto waxbarashada, Dhaqaalaha, Caafimaadka,Awood qeybsiga siyaasadeed.

Goobjoog News