U bood dhigaalka

Dr.Cabdiqani Sheekh Oo Kulan Mahad-Celin U Sameeyay Ciyaartooyda Jubaland

Sheeko:Cayaaraha

Dr.Cabdiqani Sheekh Cumar oo ka mid ah aqoon yahanada kasoo jeeda Jubbaland ayaa kulan sagootin ah usameeyay ciyaartoyda kooxda Kubbada Cagta Jubbaland ee sanadkan ka qeyb gala tartinka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020,inkastoo xidigaha Jubaland ay ku hareyn heerka garoobyada.

“Mahadsanid Mudane DR.Cabdiqani waxaan kaaga mahad celinaynaa garashadaad iyo sida wanaagsan ee aad noogu timid,aniga oo ku hadlaya magaca kooxda kubbadda Cagta Jubland,waxaan ku lee nahay mahadsanid 100%” ayuu Goobjoog Sports u sheegay guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug mudane Axmed Faarax Taqal (Timajilic).

“Waxaa tihiin Horyaalkii sanadkii hore waxaan tusaaleeynayaa in  xirfadu mar marka qaar u ka sareeyo nasiibka, anigana waxaan qirayaa da’daalkii aad  muujiseen iyo qaab ciyaareedkii quruxda badnaa oo aad soo bandhigeen,waxaan inoo wada balan ah sanado kale oo qurux badan” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Dr.Cabdiqani Sheekh Cumar.

Kooxaha Jubaland iyo Hirshabeele ayaa sanadkan ku harry heerka kowaad ee tartanka kubbadda canta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020,waxaan wareega labaad u soo gudbay kooxaha Galmudug,Gobolka Banaadir,Puntland iyo Koonfur Galbeed

Waxaan soo bandhigay ciyaaro aad qurux badan oo soo jiitay Shacabweynaha reer Jubaland,balse sanadkan waxaa naga hiiliyay nasiibka,hadii aanu nahay Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhallinyarada waxaan u Mahad celinaynaa qofka kasta oo reer Jubaland ah grab itsaaga oo ono muujiyay gaar haan waxaan mahadsanid lee nahay DR.Cabdiqani Sheekh” ayaa isna Goobjoog Sports u sheegay Cabdirahmaan Cabdi Maxamed.

Si kastaba Kooxda Jubaland ayaa koobka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir soo gaartay kama dambeysta tartanka Maamul Goboleedyada labo sano xariir ah,waxaana xidigaha Jublanad labadii sando 2016-2017 fiinalaha koobka ay la ciyaareyn dhigooda Puntland.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle