U bood dhigaalka

Dr.Cali Cusmaan “Doorashada Gos Waa Sharci Darro”.

Sheeko:Cayaaraha

Xoghayihii hore Guddiga Olombikada Soomaaliya Dr.Cali Cusmaan Cali ayaa sheegay in doorashadii ka dhacday Magaalada Muqdisho ee lagu doortay Guddiga Fulinta ee Olombikada Soomaaliyeed ay aheyd sharci darro, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in aan la aqbalin doorashada GOS.


“Waa mudo kororsi doorashadii ka dhacday Muqdisho ee GOS, waana wax lagu xumaado talaabada ay qaadeen hogaanka GOS” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Xoghayaihii hore Guddiga Olombikada Dr.Cali Cusmaan.


Dhinaca kale Dr.Cali Cusmaan wuxuu sheegay Dhalinyarada ku soo biirtay Guddiga Olombikada in aysan aheyn shaqsiyaad aan aqoon wanaaagsan u laheyn daadajinta shaqooyinka culus ee horyaalka guddiga Olombikada.


“Waa loo baahanyahay dhalinyaro aqoon u leh isboortiga,balse kuwa hada ku soo biiray GOS, waxba Kama badalayaan hanaanka shaqo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Dr.Cali Cusmaan.


Guddoomiyihii Guddiga Olombikada Soomaaliya mudane Tarabi ayuu Dr.Cali Cusmaan ku eedeeyay in uu ku fashilay shaqooyinka Guddiga Olombikada Qaranka, sanadihii la soo dhaafay wuxuuna bahada ciyaaraha ugu baaqay in loo midoobo badbaadinta Guddiga Olombikada Soomaaliyeed.


“Gudoomiye Tarabi saddexdii sanno la soo dhaafay laguma arkin dhacdooyinka isboortiga gudaha,maantana cid ka yeelayso ma jirto in uu dib isku doorto” ayuu sheegay Xoghayihii hore Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliya mudane Dr.Cali Cusmaan Cali.

Ugu danbeyntii Dr.Cali Cusmaan waxa uu Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya iyo ciyaartooydii hore dalka kula dardaarmay in aysan aqbalin doorashada af duubka ah ee ka dhacday Muqdisho.


“Hadii lagu aamuso doorasho isku sheega ka dhacday Muqdisho, waxay caqbad ku tahay geedi socodka isboortiga dalka, balse Wasiir Xamse iyo dhamaan ciyaartooydii hore dalka waxaan u sheegayaa in ay ka qeyb qaaataan badbaadinta Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo guud ahaan Xiriirada kala duwan ee Ciyaaraha Soomaaliya.

Daawo Dr.Cali Oo Eedeeyay Doorashadii GOS

Sidoo Kale Warar Ku Saabsan Dr.Cali Cusmaan

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/dr-cali-cusman-cali-waan-bogaadinayaa-horomarka-ciyaartooyda-xulka-qaranka-kubadcag-yaraha-soomaaliya/?is_wppwa=true&wpappninja_cache=friendly

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle