U bood dhigaalka

Dr.Cali Cusman Cali “Waan Bogaadinayaa Horomarka Ciyaartooyda Xulka Qaranka Kubadcag Yaraha Soomaaliya ”

Sheeko:Cayaaraha

Xoghayihii hore Olomikada Soomaaliya Dr.Cali Cusmaan Cali ayaa soo dhaweeyay horomarka baaxda weyn ee ka socoda Xiriirka Soomaaliyeed ee Minifootboolka, isagoo bahda isboortiga ku dhiirigeliyay in au taageeraan da’daalada iyo horomarka kala socda Xiriirka Kubadcag yaraha dalka.


“Waxaan amaanaynaa da’daalada socda iyo guulaha Is daba jooga ee Xiriirka Soomaaliyeed Minifootboolka “ ayuu Goobjoog Sports u sheegay Xoghayihii hore Olomikada Soomaaliya Dr.Cali Cusmaan Cali.


Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha waxaa Soomaaliya laga aas aasay sanadii 2015, balse doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu doortay Guddoomiye Xaaji Aadan  Cabdule iyo madaxda kale ee shanta sanno ee soo socota


“Is badal weyn ayaa ka muuqda Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha, waxaana qirayaa in doorashadii lagu doortay Guddoomiye Xaaji Aadan Cabdulle ay aheyd mid furan oo ay wada arkaan bulshada Soomaaliyeed” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Dr.Cali Cusmaan Cali.


Guulaha mudadii sanadkii la soo dhaafay uu gaaray Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadcag yaraha waxaa qeyb ka ah in ay aas aaseyn kooxaha heerka kowaad iyo heerka labaad ee Kubadcag yaraha Soomaaliya, waxaana u jeedada loo aas aasay kooxahan ay yihiin in la heli ciyaartooy xirfada wanaagsan oo matasha Xulka Qaranka Kubadcag yaraha Soomaaliya.


“Ma aheyn wax sahlan in mudo sanad ah lagu aas aaso 24 kooxaha oo heerka kowaad iyo heerka labaad, waxayna arintaas guul weyn u tahay bulshada Soomaaliyeed iyo bahda isboortiga dalka” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Xoghayihii hore Olombikada Soomaaliya Dr.Cali Cusmaan Cali.


Khabiir isboortis Dr.Cali Cusmaan Cali wuxuu sharxaad dhinacyo badan ka bixiyay fariga u dhaxeeya Xiriirka Kubadcag yaraha iyo Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda cagta,isagoo labada dhinac u rajeeyay mustaqbal wanaagsan oo horomar u ah dhalinyarada Soomaaliyeed.


Xiririka Kubadcag yaraha wuxuu hoos tagaa Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada, halka Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya oo isagana qeyb ka yahay Guddiga Olomikada, balse waxaan labada Xiriir u rajaynaaa guul iyo horomar” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xoghayihii hore Guddiga Olombikada Soomaaliya Mudane Dr.Cali Cusmaan Cali.


Ugu danbeyntii Dr.Cali Cusmaan wuxuu u mahadceliyay wafdigii Soomaaliya kaga qeyb galay tartankii Kubadcag yaraha Qaarada Afrika ee ku qabsoomay dalka Nigeria, wuxuuna arintaas ku tilmaamay guulaha waaweyn ay gaareen madaxda Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadcag yaraha dalka.


“Hadii Xiriirka Minifootboolka Soomaaliya uu san aheyn Xiriir jira, lagama qeyb gali laheyn dhacdii Minitootboolka Qaarada Afrika ee ku qabsoomay dalka Nigeria ,waxaan u mahadcelinaynaa ciyaartooydii iyo macallimiintii Soomaaliyeed ee aaday Wadanka Nigeria” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Xoghayihii hore Guddiga Olombikada Soomaaliya Mudane Dr.Cali Cusmaan Cali.

Daawo Dr.Cali Cusmaan Oo La Halay Goobjoog Sports

Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/guddoomiye-saacid-xuseen-cabdi-hiigsigeenu-waa-in-aan-fursad-siinaa-shan-milyan-oo-dhalinyarada-soomaaliyeed/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle