U bood dhigaalka

DR. Cemalettin Kani “Digniinta Hogaamiyaha Puntland, baraarug ha u noqoto Beesha Caalamka”

Sheeko:Amniga

DR. Cemalettin Kani Torun safiirkii hore Turkiga u fadhiyay Mogadisho ayaa ka hadlay xaalladda jahawareerka siyaasadeed ee Soomaaliya, isagoona baaq usoo jeediyay beesha caalamka.

DR kani ayaa isagoo daba jooga hadaljeedintii xalay ee madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni waxa uu ka digay in kaligii talis cusub uu ku habsado afrika, wxuuna carrabka ku adkeeyay in somalia aysan ubaahnen dagaal sokeeye oo dhiigbadan uu ku daato.

“Digniinta Hogaamiyaha Puntland, baraarug ha u noqoto Beesha Caalamka, Afrika uma baahna kaligii taliye kale ama dagaal sokeeye oo dhiig badan ku daato, Beesha Caalamka waa inay dhaqso wax uga qabataa intay goori goor tahay” ayuu ku bartiisa twitterka ku daabacay diplomasigan turkiga ah.

Hadalkaan ayaa kusoo adaya iyadoo shacabka somaliyeed iyo dadyowga kale ee daneeya arimaha somalia ay walaac badan ka qabaan xiisadda jahawareerka siyaasadeed ee dalka, madaxweynaha puntland siciid deni, ayaa xalay isagoo hadal ka jeedinayay xarunta horumarinta iyo cilmibaarista puntland waxa uu kashifay hadalo si shakhsi ah u dhaxmaray isaga iyo madaxweynaha waqtigiisu idalaaday ee Farmaajo.