U bood dhigaalka

Dr.Cumar Aadan Rooble:- Waa in Guriceel Gacanta Galmudug Kusoo noqotaa

Sheeko:Amniga

Musharax xildhibaan Dr.Cumar Aadan Rooble oo kursigiisu yaalo galmudug ayaa ka hadlay xaaladda amni iyo Siyaasadeed ee ka jirta maamulka Galmudig si gaar magaalada Guriceel.

Dr cumar oo lahadlay GOOBJOOG ayaa eedeyn culus ujeediyay hogaamiyaha Ahlusuno Sheekh Shaakir oo Ciidamadiisu ay laba todobaad ku suganyihiin Guriceel.

“Guriceel waa in ay si deg deg ah ugu soo laabataa gacanta Dowladda Galmudug, hadii shabaab ay la dirarayaan wadaadadu waa in ay umaraaan darooqa saxda ee ma aha in ay dhabar jabiyaan ciidmada dawladda ee shabaab la diriraya” ayuu yiri musharaxu.

Waxa uu sidoo kale siyaasigu wax laga xumaado ku tilmaamay in siyaasiyiin ree Galmudug oo qaarkood xilal ka hayeen maamulka ay qeyb ka noqdaan ama tageeraan duminta maamulka.

GOOBJOOG NEWS.