U bood dhigaalka

Dr. Liibaan oo Soojeediyey in La Qeexo Habraacyada iyo Kaalinta Bulshada Rayidka ee Doorashada 2020/2021

Sheeko:Amniga

Professor Maxamed Xuuseen Ciise(Dr. Liibaan) oo todobaadkan ka mid ahaa martida barnaamijka “OGAAL”  ayaa wax badan ka dhahay kaalinta bulshada rayidka ah ee doorashada 2020/2021 isaga oo ka hadlay wixii ay qabteen, heshiiska dhacay, kaalintooda wacyigelinta iyo arrimo kale.

Ugu horeyntii su’aasha aheyd waxa ay ka ciyareen heshiiskii doorasho ee ka dhacay Xamar  ayaa waxaa uu sheegay sidii ay u tageen shirkii Dhuusamareeb isaga oo sidoo kale ka hadlay natiijadii Xamar,

Dr. Liibaan oo arrinkaas ka hadlaya waxaa uu yiri ““Bulshada rayidka waa midda u qareenta bulshada, waana marka la middeyo, ujeedkana waxaa uu ahaa in dalkan ay ka dhacdo doorasho wada ogol ah, Dhuusamareeb 3 waxaa ka maqnaa labo dowlad goboleed ayaa ka maqnaa, iyagoo arrimo fara badan iyo waxyaabo tabanaayo, si walbaba ha ahaatee waxaa la isugu yimid magaalada Muqdisho,  haddana kiiskii Dhuusamareeb 3 ayaa dib loo fiiriyey oo in wax lagu daro oo waxyaabo lagu sameeyo, waxaad moodaa in waxyaabo badan heshiiskaas laga badalay oo aad dib loogu noqday, taa waxaan is leeyahay  middan dambe, bulshada rayidka ah waxaa ay sameyneysay qaabkii ay qeybta labaad uga qeyb galaysay ayey xoogga saartay waxaa ay xoogga saartay dhinaca wacyi gelintaoo  cabsi weyn waxaa ay ka jirtay inuu is afgaran waa uu ka dhaco,  ugu dambeyn waxaa ka soo baxay heshiis,  heshiiskii dadka waa lasoo dhoweeyey in kasta oo uu  ka hooseyey wixii aan niyeysaney oo ahaa 2016 mid ka ballaaran,  habraacyada lagu maamulaayaana ay ka cadyihiin uu ka soo baxo, si guud ayaa loo tilmaamay, waxaa u ku jirta qodobo siinaya bulshada rayidka door siinaya, warbaahinta door siinaya”.

Marka kale, su’aal laga weydiiyey bulshada rayidka ah oo bannaanka ka jooga reerkii wax soo dooraney,  sidee saameyn ugu yeelan kartaa beelaha wax dooranaayo in ay soo doortaan qof fiican oo iyaga matali kara?

Dr. Liibaan oo arrinkaas ka jawaabay waxaa uu yiri “Bulshada rayidka ah kaalintoo waa uu ku caddaa heshiisyadii hore, laakiin waxaan aad uga xumahay habraacyadii dambe ee soo baxay si cad uguma qeexna, waxaa qeexan odayaasha iyo sida loo tababarayo, guddiga korjoogtynta, guddiga khilaafaadka, guddigana uu ula kulmaayo sida ay iskula shaqeynayaan habraacyo gaar lagama samaynin, waxaan isleeyahay, waa waxa aan leeyahay xukuumadda cusub ra’iisalwasaaraha cusub shaqada iyo howlgalka uu la tagidoono ayey aas aas u noqonaysaa si heshiis hufan habraacyadii la isku raacay sidii u qurxin lahaa golaha baarlamaankana u ansixin lahaa. Bulshada rayidka qabiil ma gasho, iyaga ayaa yaqaan sida wax loo qeybsanayo, laakin (1). iney korjoogteeyaan (2). Iney wacyi geliyaan sidii ay u soo dooran lahaayeen qof dalkan samatabixiya.

Ugu dambeyntii, Professor Maxamed Xuuseen Ciise(Dr. Liibaan) ayaa ka jawaabay sy’aal aheyd wacyigelinta Doorashada oo heerarkeeda saddexda ah ee ka hor, inta ay socoto iyo kadibba, waxaa uuna yiri “Heerka koobaad ururada bulshada rayidka waa bilaabeen, Jubbaland kulamo ayaa la sameeyey, Puntland waa laga sameeyey, Galmudug wey bilaabeen waa laga sameeyey, Hirshabelle weyn bilaabeen wey sameeyeen, waxaan ku balanay in wacyigelin dadka lagu bilaabo, marka ay bilaabatana taa waxay ila tahay doorkii laga siiyey oo xukuumadda, baarlamaanka soo ansixiyeen oo kaalintooda qaataan, oo korjoogteynta, hubinta iyo wacyigelinta iyo qeybta saddexaad oo wixii qaladaad soo baxa lala wadaago guddiga khilaafaadka iyo Mediyaga si loogu doodo qofkii dulmanaha ahaa”.

Barnaamijka OGAAL, waa todobaadle, waxaa soosaare ka ah Guddoomiyaha Tubta Nabadda Cabdullahi Maxmed shirwac (Halkan ka daawo)

Goobjoog News