U bood dhigaalka

Dr. Maxamed Afrax oo Geeriyoodey, Akhriso Taariikh Nololeedkiisa

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhow geeriyoodey Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ahaa guddoomiyaha guddiga dib u eegista dastuurka iyo madaxa Akadeemiya-Goboleedda Af-Soomaliga kadib xanuun in muddo ah hayey.

Haddaba, Halkan Ka Akhriso Taariikh Nololeedkiisa

Maxamed Daahir Afrax oo ku geeriyoodey 70 jir, waxaa uu ahaa qoraa caan ah oo lagu yaqaano horumarinta Afka Soomaaliga.

Dhanka shaqada, waxaa ahaa nin dhaq-dhaqaaqo oo  4-tii June 2015 lagu badalay booskii ay banneysay  Marwo Caasho Geelle -ka ee guddiga Madaxa banaan  ee dib u eegista iyo hirgalinta Dastuurka, waxaa uuna guddiga ka noqday Madax.

Maxamed Daahir Afrax Waa Qoraa caan ah oo bulshada Soomaaliyeed si fiican u taqaano, Waxaa uu qoray bugaag iyo sheekooyin sida Maana-faay.

Afrax, waxaa uu muddo dheer ka shaqeeyay hor-umarinrinta Afka Soomaaliga iyo isku xirka Bulshada ku hadashada afka Soomaaliga ee degan Geeska Afrika.

Waa aqoon yahay hesyta PhD, Qoraa iyo Bare aad loogu yaqaano cilmiga afafka, waxaa uu Madax ka ahaa hay’ado badan oo daryeela Qoraalka Afka Soomaaliga.

2000-shirkii Carte waxaa uu ahaa Dadkii dajiyay qorshada Shirka, Lataliyaha Madaxweynaha Djabuti iyo wakiilka xogheyaha Qaramada Midoobey isagoo shirka ka dib ka mid noqday Baaralamaanka iyo goloha Wasiirada.

2006-dii, Waxaa uu u bandhigay Madaxweynaha Djabuti Cismaaciil Cumar Geelle in dalka Djabuti  u dabaaldago maalinta Afka hooyo 21 February.

Waxaa kaloo uu ka mid ahaa dadkii ku taliyay in Djabuti xarun ka dhigtaan hay’ado London xaruntooda aheyd sida: Naadiga Pen ee Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed uu Mudane Afrax ku aasaasay markii hore Magaalada London.

2011: Xoghaye Guud u noqdo guddi ay magaalada Jigjiga ee dalka Ethiopia ay ku magacaabeen Ururka Midowga Afrika, Qeybta Horumarinta Luqadaha Qaaradda Afrika.
2012-kii shir ay Djabuti isugu yimaadeen Madaxda iyo aqoonyahada bulshada Afka Soomaaliga ku hadasha ee geeska Afrika, Waxaa lagu dhisay Akadeemiya-Goboleedda Af-Soomaliga, Mr. Afrax ayaa Gudoomiye looga dhigay.

Waxaa uu sidoo kale Tifaftire ka ahaa Wargeys xiliyeedka”Hal Abuur” ee dhaqanka iyo Suugaanta oo ku soo baxa Afafka Ingiriiska iyo Soomaaliga.

Waxaa uu qoray Buugaag Caan ah, waxaa ka mid ah, Mid Masraxa ka sheekeynaya iyo Buugaag kale oo lagu daabacay Afka Ingiriiska.

Waxaa uu sidoo kale qoray Buugaag Siyaasadda ka hadla sida Dal dad waayey iyo Duni Damiir Beeshay.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye

 

GOOBJOOG NEWS.