U bood dhigaalka

DR.Maxamed Bilaal “Mushaar La’aanta Ciidanka Koonfur Galbeed Ayaa Sababay Wxyaabaha Qaldan Ee Ka Dhacaya Gobolada Baay & Bakool “

Sheeko:Amniga

Degaanada Koonfur Galbeed , maalmihii la soo dhaafay waxa ka dhacay falal lidi ku ah amniga waxana deganadaas sidoo kale ka dhacay falal  fool xun oo lidi ku ah diinta iyo dhaqanka suubaan.

Dr.Maxamed Ibraahim Bilaal oo xubin sare ka ah xisbiga amni iyo cadaalad oo goobjoog la hadlay ayaa sheegay in dhibaatooyinkaas oo idil ay salka ku hayaan  mushaar la’aanka ciidanka iyo daryeel xumada maamulka Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Waxa uu intaas ku daray Dr Maxamed ibraahim Bilaal  in  maamulka Cabdicasiis Laftagareen uu sidoo kale ku fashilmay wax ka qabashada dhibaatada baaxada leh oo ay wajahaan dadka dega deenaada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Mar uu ka  hadlayay shirka  dhuusmareeb-3 waxa uu sheegay Maxamed Ibraahim Bilaal  in Farmaajo aysan daacad ka ahayn  in uu mira dhalo shirka,isagoo ugu baaqay madaxda heer fedraal iyo kuwa maamul goboleedyada in ay si wanaagsan ugu wada shaqeyn xaalada kala guurka ee dalka.

Halkan Ka Daawo Waraysi Uu Dr.Maxamed Ibraahim Bilaal Siiyay Goobjoog News

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/296430704952486/

Goobjoog News