U bood dhigaalka

Dr Nuur Faarax “Shirkadaha NGO’s-ka Iyo Deeq Bixiyayaasha Qeyb Bay Ka Yihiin Musuqa”

Sheeko:Dalka

Hanti dhowraha guud ee Qaranka Dr Nuur Faarax Jimcaale ayaa sheegay in musuqa ka jira Soomaaliya ay ku lug leeyihiin hay’ado iyo shaqsiyaad shisheeye, waxaana uu intaasi ku daray in wasiirada ay ka dhaadhiciyaan inaan la isticmaali karin Bank-iga dhexe ee Soomaaliya, sidaasina lacagaha loogu tala galay mashaariicda hormarineed ee dalka lagu shubo Bank-iyo gaar loo leeyahay.

“Shirkadaha NGO’s-ka ah iyo deeq bixiyayaasha qeyb bay ka yihiin musuqa wadankaan ka dhaca, sababtoo ah waxay ka dhaadhicinayaan wasiirkii wasaaradda jooga Bankiga dhexe lama isticmaali karo ee hay’ad dhexe aan isticmaalno” ayuu yiri Hanti dhowraha.

Hanti dhowraha oo kahor hadlayay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in dalka lagu qabtay diyaarad lacag waday intii ay jirtay dowladii KMG ahayd, taasi oo markii dambe lala aaday wadanka Jabuuti waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu tilmaamay inay ku daba jiraan lacagaasi la lunsaday, sheegayna in golayaasha baarlamaanka iyo xukuumadda looga baahan yahay inay sharciga marsiiyaan cid walba oo arrinkaasi ku lug yeelata.

“Lacag aan hadda ku daba jirno ayaa jira, diyaarad lacag ah oo halkaan lagu qabtay dowladaan dowladii ka horeysay ah Boorsooyin baa lagu qaaday Jabuuti baa la geeyay, waan ku daba jirnaa, waan idiin soo bandhigeynaa, idinka iyo fulinta ayaa la rabaa inaad go’aan ka qaadataan, cidda lacagtaasi boorsooyinka ku qaadatay iyo qaabka lagu bixiyay, waxaan aragnaa qaladaad, waxaa la rabaa in loo gudbo qaabkii qaladaadkaasi loo sixi lahaa, waxa weeye ciddii qalad is kaleh in maxkamad lala tigsado sharcigii la mariyo si aanay mar labaad u dhicin” ayuu hadalkiisa ku daray Hantidhowraha.

Dr Nuur ayaa ugu dambeyn sheegay in sanadkaan 2015 ay ka noqdeen Soomaaliya lacago badan oo lagu xisaabinayo dowladda Soomaaliya, taasi oo uu tilmaamay in marka dambe dib u cuni doonaan deeq bixiyayaasha.

“Waxaa jira Sanadkaan kaliya 2015 lacagaha ka noqonaya dowladda oo aan la’isticmaalin oo hadhow deeq bixiyayaasha dib u cunayaan ileen Nairobi ayaa naloo fadhiyaa, waxay dadkaasi u baahan yihiin la xisaabtan, wasiirada iyo dadka kale ee aan halkaan ka sheegayn ee iyaguna la cunaan in lala xisaabtamo baa la rabaa”

Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa inay qeyb ka tahay wadamada ugu musuq maasuqa badan dunida, waxaana lacago badan oo loogu tala galay mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya ka soconaya aan gacanta loo soo gelin dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Goobjoog News