U bood dhigaalka

Dr Nuur Faarax “Waa In La Helaa Isbitaallo Hoos Yimaada Maamulka Gobolka Banaadir”

Sheeko:Dalka

Hanti Dhowrka guud ee Qaranka Dr Nuur Faarax ayaa ka dalbaday maamulka Gobolka Banaadir in gacantooda dib ugu soo celiyaan goobaha danta guud oo ay ka mid yihiin Iskuullada sida lacag la’aanta wax loogu baran jiray iyo sidoo kale goobaha caafimaad.

Waxa uu sheegay Hanti dhowrka in arrintan muhiim u tahay bulshada Soomaaliyeed, qeyb muhiim ahna ay ka qaadaneyso dib usoo celinta bilicda Muqdisho, hadii uu maamulka gobolka Banaadir wax ka qabtana arrintan ay isbedal weyn u keeni doonto baahiyaha hadda ay qabaan shacabka Soomaaliyeed.

“Magaalada Xamar malahan iskuul lacag la aan ah waxaan qabaa in gobolka lasoo wareego Iskuulladiisa loo sameeyo agaasin gooni ah, lana joojiyo iskuullada magacyada laga bedalayo, lana joojiyo iskuullada magacyada laga bedalayo, gobol walbana Iskuulladiisa iyo tayadiisa waa la iskula xisaabtamayaa, arday halkan jooga iyo kan maamul goboleedka jooga waa in xuquuqdooda helaan, waa in la helaa Isbitaallo maamulka Gobolka Banaadir hoos yimaado, waana bogaadinayaa maamulka gobolka Banaadir arrinta tillaabada ku dayashada badan ee ay qaadeen”

Hadalka Hanti dhowrka Guud ee Qaranka ayaa imaanaya xilli baahi weyn loo qabo in la helo goobo waxbarasho iyo xarumo caafimaad oo lacag la’aan ah.

Wixii ka dambeeyay markii ay burburtay dowladdii dhexe ee dalka waxaa meesha ka baxay adeegyadii lacag la’aanta ahaa ee bulshada loo qabanayey waxaana booskooda galay kuwo gaar loo leeyahay oo dadka qarash looga qaato.

Goobjoog News