U bood dhigaalka

Dubai Oo uu Ka Shaqo Bilaabay Askarigii Ugu Horreeyay ee Automatic ah

 Hoggaanka sare ee ciidanka Booliska Dubai ayaa ku dhawaaqay Axaddii shalay iney si rasmi ah u howlgaliyeen oo uu ku soo biiray askarigii ugu horeeyay ee robot ah oo ku shaqeynaya maskax smart ah.

Boolisk ayaa yiri, “Askarigan smart ka ah waxa uu qabanayaa howlo muhiim ah, waxaanuu diyaar u yahay inuu si fiican u guto howsha loo xilsaaro isagoo si wanaagsan ula shaqeyndoona dadweynaha Dubai iyo malaayiinta dalxiisayaasha ah ee waddooyinka magaalada”.

Robot-kan ayaa dhrirkiisu yahay 170 Cm, culeyskiisuna uu gaarayaa 100 Kg; waxa uu wataa maskax smart(gacmeed) ah iyo qalab dareenka qofka lagu ogaankaro, waxaanuu awood u leeyahay inuu dadka ka qoslinyo si quruxbadanna uu u salaamo, taas oo dad badan gelin doonta xasillooni farxadna ay ku dareemayaan.

Askarigan automatic-ga ah ayaa sidoo kale wata kaamirooyin dadka dambiilayaasha ah wejigooda soo saaraya oo isla markiiba u gudbinaya sarkaalka ay isla howlgalayaan ama xarunta dhexe ee booliska, waxaase si gaar ah loogu talogalay inuu dadka u adeego goobaha ganacsiga iyo waddooyinka, waxaana sidoo kale uu ka qeybqadanayaa ka hortagga dambiyada, ilaalinta ammaanka magaalada iyo farxad gelinta dadka.

Askarigan automatic-ga ah ayaa ku hadli kara illaa 6 luuqadood oo adeegyadiisa lagu borogaraamiyay, su’aalaha dadweynahana si fiican ayuu uga jawaabi karaa; salaanta caadiga ah iyo tan ciidanka labadaba si wacan ayuu ugadanayaa.

Tan ayaa ka dhigan ififaalaha wajiga cusub iyo dunidu halka ay u socoto mustaqbalka, mar haddii la shaqaaleysiinayo Boolis robit ah oo sidii aadanaha oo kale shaqooyinkii muhiimka haa u qabanaya, mana aha markii ugu horreysay ee adduunka la shaqaaleysiiyo boolis automatic ah, laakiin waa markii ugu horreysay ee uu inoosoo dhaawo oo uu soo gaaro waddamada Carabta ah ee aan walaalaha nahay.

Goobjoog News