U bood dhigaalka

Dubbe oo Dhaliilay Warbixin Laga Soo Saaray Tabashada Soomaaliya ee Ka Dhanka ah Kenya

Sheeko:Amniga

Wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa sheegay in guddiga xaqiiqo raadinta ee Djibouti ee baarayey tabashada Soomaaliya eek a dhanka ahaa Kenya ay soo saareen warbixin hal dhinac, oo runt aka fog.

Cusmaan oo saxaafadda la hadlay ayaa yiri ‘Markii guddiga xaqiiqo raadinta oo ka kooban 6 xubnood oo Djiboutiyaan ah iyo xubin IGAD ah la sameeyay aad baan usoo dhowaynay, laakiin waxa kasoo baxay warbixintooda ayaa nagu noqday fajac iyo amakaag, waxa ku qoran reportkooda JUMA ayaa ii sheegtay,  Juma haddii ay qori laheyd waxan ma qorteen, hal dhinac bey warkoodii qaateen, wey diideen inay tagaan dhulkii Soomalida, laba jeer bey dhulkii Kenya tageen, Mandhera ayay tageen, waxan udiyaarinay shacabkii Gedo wey naga diiden inay xadka kaso tallaabaan.

Wasiirka oo sii hadlayey ayaa yiri’ Tan ugu yaabka badan waa in warbixinta gudiga xaqiiqo raadinta ay soo baxday 25-kii bishan oo ku aadaneyd maalintii duulaanka qaawan ee Kenya iyo daba dhilfkeeda araxda kaga jabtay nalaku so qaaday, maxaa isku so beegay duullaanka iyo warbixinta guddiga, waxaan ka fahannay in marka Gedo ay qabsato la doonayay in laga bari yeelo oo la dhaho Kenya  kuma jirto”.

Goobjoog News