U bood dhigaalka

Dufcaddii Labaad Ee Ciidanka Booliiska Koonfur Galbeed Oo Tababar Loogu Soo Xiray Magaalada Baydhabo

Sheeko:Dalka

Waxaa Baydhabo maanta lagu soo xiray tababarka dufcadda 2aad ee Booliiska maamul goboleedka Koofur Galbeed, waxaa xafladda xiritaanka ka qeyb galay Madaxweynaha maamulka Shariif Axmed, Taliyaha Booliiska qaranka Maxamed Xasan Xaamud, wasiiro, Xildhibaanno, saraakiil AMISOM iyo UNSOM

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koofur Galbeed ayaa ugu baaqay dufcadda qalin jabisay in ay waajibkooda gutaan, weliba qaar firfircooni leh.

Taliyaha Booliiska qaranka Maxamed Xasan Xaamud  ayaa dufcadda 2-aad u sheegay inay u shaqeeyaan sidii qaranka loo badbaadin lahaa, kana shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida deegaanka

Mashruucan tababarka  waxaa loo qabtay illaa 200 oo Booliis ah, waa dufcaddii 2-aad waxaa tababarka fuliyay AMISOM, waxaa maalgeliyay Dowladda Ingiriiska.

Goobjoog News