U bood dhigaalka

Dukumenti: Xiriirka Shirkadda Mareykanka Ah Park Strategies Iyo Dowladda Soomaliya(2011, 2017)

Sheeko:Dalka

Sida uu daabacay  Wargeyska Daily Nation, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa mar kale shaqaaleysiiyay Senator-ka howl-gab-ka ah ee Alfonse Marcello D’Amato, sidii uu Soomaaliya uga iibin lahaa maamulka Trump.

Heshiiska waxaa uu dhigayaa in dowladda federaalka ah ay bishii siiso shirkad uu madax ka yahay Alfonse Marcello D’Amato lacag dhan $120,000, Alfonse waa mas’uul ka tirsan xisbiga jamhuuriga oo uu wakiil uga ahaa gobolka New York isaga oo aqalka Senate-ka Mareykanka ku jiray 1981-1999.

Isla heshiiska waxaa ku jira in la siiso shirkadda Mr. D’Amato ee Park Strategies sanadkii lacag aan ka badneyn $36,000 oo ku bixi-doono jid iyo jiif.

Xiriirka Shirkadda PARK STRATEGIES Iyo Dowladda Soomaaliya:

Alfonse Marcello D’Amato iyo shirkadiisa waa markii 2aad ee ay la shaqeeyaan maamulka Farmaajo, iyada oo xilligii uu ra’iisul wasaaraha ahaa Maxamed Cabdullahi Farmaajo, bishii March 2011-kii uu la galay Alfonse Marcello D’Amato iyo PARK STRATEGIES heshiis ay bil walba qaadan jireen $20,000 iyo lacag aan ka badneyn sanadkii $36,000 oo jid iyo jiif ah. Mr. Farmaajo waxaa uu xilligaas sheegay in  muqaddas tahay in codka dowladda Soomaaliya laga maqlo Washington.

Halkan Ka Akhriso, qoraal Ka Soo Baxay Xafiiska Ra’isul Wasaare Farmaajo March 21, 2011-kii:

farmaajohaa

Halkan Ka Akhriso: Heshiiska uu 2011-kii Ra’iisul wasaare Farmaajo La Saxiixday Shirkadda PARK STRATEGIES March 2011-kii,

Si Aad U Akhriso Heshiiska Halka Guji: park_strategies

Qoraal ay shirkadda PARK STRATEGIES u gudbisay waaxda garsoorka Mareykanka waxaa ay ku sheegtay in ay dowladda Soomaaliya heshiis la galay March 2011-kii,  heshiis-kaas oo hal sano ahaa, waxaa ay heshay lacag 3 bil ah illaa June 2011-kii, markii uu Farmaajo iska casilay jagada kadib “Kampala Accord” shirkadda lacagtii la siin-jiray waa laga joojiyay, sida ku cad qoraalka hoose.

3 bil

Heshiiskan Cusub Ee Shirkadda PARK STRATEGIES:
Warqado loo gudbiyay wasaaradda cadaaladda Mareykanka waxaa ay dowladda Soomaaliya ballan-qaaday in lacagta ku bixi-doonta Mr D’Amato iyo shirkadiisa aan laga bixin-doono deeqaha beesha caalamka iyo lacagaha loogu talo-galay gar-gaarka arrimaha banii’aadamka.

“Shirkadda Park Strategies waxaa ay ku hadli-doontaa afka jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaa ay shaqadeeda tahay in ay wanaajiso xiriirka dowladda Soomaaliya iyo dowladda Mareykanka”

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegayaa in ka go’an tahay sidii ay u wanaajin laheyd xiriirka kala dhaxeeyay Mareykanka.

Howl-galka AMISOM:
Mareykanka waxaa uu 10-kii sano ee la soo dhaafay illaa $2 billion ku bixiyay arrimo la xiriira Banii’aadnimada iyo hor-u-marka Soomaaliya.

Waxaa intaasi dheer, Washington waxaa ay $900 million ku taageertaa AMISOM. Lacag kale oo dhan  $720 million waxaa ay Mareykanka u taageereen howl-gallada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Ciidamada Mareykanka ah ee hadda ku sugan Soomaaliya waa illaa 5oo, waxaa ay tababar iyo taageero kale siiyaay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Arrimaha Musuqa:

Waxaa jira saraakiil Mareykanka u soo jeediyay in wax laga badalo la dhaqankiisa hey’adaha dowliga ah ee Soomaaliya sababtana waxaa lagu sheegay in musuq uu ka buuxo siyaasiyiinta iyo militariga.

Ujeedka Heshiiska Ma Lagaaray?

Heshiiskan cusub iyo midkii horeba waxaa uu ujeedkiisu yahay in shirkadda ka shaqeyso sidii ay isugu soo dhawaan lahaayeen labada dal iyo sidii kaalmo dhinac walbo oo toos ah Mareykanka u siin lahaa dowladda Soomaaliya, waxaa intaas dheer in Muqdisho la tiro arrimaha musuqa iyo maamul xumada.

Hadaba, Goobjoog News waxaa ay xiriir la sameysay saraakiisha wasaaradda arrimaha dibadda oo ay ugu horeeyo wasiirka iyo madaxda kale, intaba  nooma suuro-gelin in aan helno.

Goobjoog News