U bood dhigaalka

Dumar Soomaaliyeed oo Loo Tababarayo in ay Kalluumeysato Noqdaan

Sheeko:Dalka

dumar Soomaali kalluumeysato ahIllaa iyo 20 dumar Soomaaliyeed ah ayaa magaalada Muqdisho loo furey tababar lagu barayo kalluumeysiga, waxaana hawshani wada urur lagu magacaabo ururka kalluumeysiga HIBO, waxaana maalgalinaya mashruucani midoowga Yurub sida uu faafiyey wargeyska Sabahi Online.

Tababarkani oo soconaya bil iyo shan iyo tobon bari ayaa waxaa looga gol leeyahay in xirfadaha kalluumeysiga lagu baro dumarka Soomaaliyeed, xili ragga oo kaliya ay kalluumeystaan.

Xasan Maxamuud Rooble oo ah guddoomiyaha ururkani Hibo ayaa sheegey in 100% kalluumeysatada Soomaaliyeed ay yihiin rag , islamarkaasina dumarka ay ka qadeen kheyraadka badda.

Dumarkani ayaa waxaa laga kala keeney gobolo kala duwan oo dalka ka mid ah , waxaana qeyb ka ah ujeedooyinka in dumarkani ay fahmaan faa’iidooyinka kalluumeysiga, kadibna ay raggooda ama caruurtooda ka waaniyaan fal dambiyeedyada, sida burcad badeednimada.

Madiino Xasan Gacal waa hooyo 25 jir ah oo heysata 2 carruur ah, waxa ay degentahay degmada Cabdicasiis ee Muqdisho, waxana ay qeyb ka tahay tababarka, waxa ay sheegtey in ninkeeda ay kala tageen, islamarkaasina ay ku tiirsanayd dad qaraabo ah in ay ilmaheeda usoo saarato quutul yoonka, hadase ay ku faraxsantahay in ay hesho tababar xirfadeed.

Salaado Cumar Ibraahim oo iyadana ka mid ah dadka la tababarayo ayaa sheegtey in ay rajo ka qabto in mar uun ay aragto dumar kalluumeysato ah.

Dumarka Soomaaliyeed ayaa kaalin weyn ka qaatey dakhli soo saarista qoysaska Soomaaliyeed tan iyo intii ay dagaalada ka dhaceen dalka, balse waa markii ugu horeysey oo dhanka kalluumeysiga ay aadaan dumarka.

Goobjoog News