U bood dhigaalka

Dunida Muslimka Oo Laga Soomayo, Akhriso Fadliga Soonka Berri

Sheeko:Amniga

Waxaa gebi ahaan lagu wadaa in berri oo Isniin ah ay soomaan dadka muslimiinta ah, ee ku nool daafaha caalamka.

Bisha Xaj ayaa berri ku beegan maalinta sagaalad oo ay xujeeyda taagan yihiin banka carafo.

Soonka berri ayuu rasuulku sheegay in qofka loo dambi dhaafo dambiyadi uu galay sanadkii la dhaafay iyo midka soo socda.

Sagaalka bisha Xaj ayaa sidoo kale ah maalintii la dhameystiray diinta Islaamka, allena uu yiri ” Maanta waan idiin dhameystiray Diinta, Waxaana taamyelay dushiina nimcadeyda Waxaana Raalli idiin kaga ahay diinta Islaamka”.

      Akhriso Fadliga Soonka Berri.

Maalinta Carafo waa Maalin uu Illaah (SW) ku Dhaartay weynideeda Daaraadeed, waa maalin uu rasuulkeena Muxamad(NNKH) umada islaamka faray inay soomaan mar la waydiiyay uu yidhi (soonka maalinta carafo waxaa loo dhaafaa dambiyadii sandkii hore iyo sanadka soo socda).

Maalinta carafo waa maalintii la dhamaystiray diinta iyo nimcada uu Allaah (SW) ku maneeystay muslimiinta, waxaana soo dagay iyadoo carafo la taagay aayado muslimiinta ugu bishaareynaya in diintoodii loo dhamaystiray.

Maalinta carafo waa maalinka ugu badan ee uu Allah(SW) naarta dadka ka xoreeyo rabina adoomadiisa ugu dhow yahay,“Bukhaari iyo Muslim ay wariyeen inuu Nabigeena suuban Muxamad(NNKH) yidhi:-

Goobjoog News