U bood dhigaalka

Dunida Oo U Dabaal-dageyso Maalinta Caalamiga Ah Ee Hurdada

Sheeko:Caafimaadka

Dunida,  waxaa ay u dabaal-dageysaa jimcaha  soo socda, maalinta caalamiga ah ee Hurdada “World Sleep Day”, waxaana hal ku-dhig looga dhigay “ku biir hurdada dunida, ilaali habsami socodka hurdadaada si aad nolosha ugu raaxeysato”.

Maalinta caalamiga ah ee Hurdada waa dhacdo sanadeed mar la qabto, waxaana loogu baaqaa dadka in ay qaataan tallaabooyin muhiim ah si ay u helaan hurdo wanaagsan.

Arrintan ayaa waxaa dadka loo marsiiyaa dadaallo ay si wadajir ay uga qeyb-qaataan dadka ku taqasusay hurdada ee ku nool  daafaha dunida.

Maalinta caalamiga ah ee hurdada ayaa waxaa lagu soo bandhigaa wacyi gelin ku saabsan sida looga hortago dhibaatooyinka ku xeeran hurdada, waxaa sidoo kale diiradda lagu saaraa dadaallo looga hortagayo isku dhexyaaca hurdada iyo sida loo daaweeyo.

maalinta u dabaal-degidda hurdada waxaa soo qaban qaabiya guddiga maalinta caalamiga ah ee hurdada, kaasi oo raacsan jamciyadda hurdada dunida “World Sleep Society”.

Xaqiiqooyin iyo Nambarro ku saabsan Hurdada.

1 . Bani’aadamka saddex meelood meel noloshiisa waxa uu ku qaataa hurdo.

2 . Neef-qaadashada oo la wanaajiyo hurdada dhexdeeda, waxaa lagu tiriyaa arrin aad muhiim ugu ah ilaalinta caafimaadaka, neefta oo kala go’da hurdada dhexdeeda waxa ay ku badantahay raga oo 4% ah, halka dumarka ay yihiin 2%.

3 . Neefta oo kala go’ada hurdada dhexdeeda, waxa ay sababtaa in maalintii uu qofka daalo ama uu gam’oodo, sidoo kale waxa ay keentaa in uu kaco cadaadiska dhiigga, cudurrada wadnaha iyo wadno istaagga.

4 . hurdo yarida waxa ay saameyn taban oo weyn ku leedahay caafimaadka, waxa ayna saameysaa dareenka qofka, xasuustiisa iyo waxbarashadiisa, sidoo kale hurda yarida waxaa laga qaadaa cudurro ay ka midka yihiin sokorta, buurnaan, inuu daciifo habdhiska difaaca jirka.

Ku dhawaad 71 kun oo qof ayaa kacabanaya sanad walba dhibaatooyin caafimaad darro, kuwaasi oo ay ka qaadeen dhacdooyinka la xiriira hurdada.

Ku dhawaad 1550 qof ayaa u dhinta dhibaatooyinka caafimaad darro ee la xiriira hurdada, dhafarka ayaa waxa uu saameeyaa 30-45% dadka qaangaarka ah.

Goobjoog News