U bood dhigaalka

Duqa Degmada Gaalkacyo OoLa Kulmay Guddiga Dhismaha Garoonka Cabdullaahi Ciise

Sheeko:Cayaaraha
Duqa degmada Gaalkacyo ayaa la kulmay Guddiga gacanta ku haaya dhismaha Garoonka kubbadda Cagta Cabdulaahi Ciise,kulankan waxaa uu ahaa mid guddiga ay ugu warbixinayeen Gudoomiyaha degmada iyo ku xigeenkiisa shaqada ay qabteen iyo halka xilligaan maryaan shaqooyinka socda,iyagoo   gudoomiyaha lala wadaagay marxaladihii u soo maray garoonka iyo sida guddiga ay ugu fikirayaan sidii bulshada reer Gaalkacyo ay ugu dhisi lahayeen Garoon casri ah oo si wanaagsan u diyaarsan.
“Guddoomiyaha iyo ku xigeenidiisa waxaan la wadaagnay shaqooyinka aan qabanay iyo halka ay wax maryaan waxaana sidoo kale ka codsanay in ay ka qeyb qaataan doorkooda” ayuu warbaahinta u sheegay guddoomiyaha Maxamuud Kaahiye oo ka mid ah guddiga dhismaha garoonka Cabdullahi Ciise.
Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo ah guddoomiyaha degmada Gaalkacyo ayaa amaanay guddiga dhismaha sida ay u ilaaliyeen amaanadi loo dhiibay,isagoona  tilmaamay in ka maamul ahaan ay la shaqeynayaa guddiga dhismaha garoonka Cabdullahi Ciise ee Gaalkacyo.

Sidoo kale Aqriso Guddoomiyihii Hore X.K.Cagta Galmudug oo Xafiiska Baneeyay

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/guddomiye-warsame-galmudug-waxaan-u-rajaynayaa-guul/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle