U bood dhigaalka

Duqa Gaalkacyo: Ciidanka Danab Ee Yimid Gaalkacyo Howlgallo Bay u Yimaadeen

Sheeko:Dalka

Markii ugu horreysay maamulka Gaalkacyo ee dhanka Puntland ayaa ka hadlay ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed oo dhowaan degay garoonka diyaarada C/laahi Yuusuf ee magaaladaasi.

Duqa Magaalada Gaalkacyo Maxamuud Yaasiim Tumay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamadan ay yihiin kuwa gaarka u tababaran ee loo yaqaano Danab, islamarkaana halkaasi ay u tageen howlgallo amniga la xiriira.

Mr Tumay ayaa sheegay in aanu waxbo ka jirin warar sheegaya in ciidamadan ay u tageen Gaalkacyo inay la wareegeen guud ahaan garoonka diyaaradaha C/laahi Yuusf, balse ay tahay oo kaliya in howlgallo amni ay ka sameeyaan magaalada Gaalkacyo guud ahaan.

“Ciidanka Danab eee yimid magaalada Gaalkacyo howlgallo bay u yimaadeen in magaalada Labadeeda dhinac ka sameeyaan, waxbo  kama jiro wararka sheegaya in garoonka ay la wareegeen, waa ciidan Soomaaliyeed, laakiinse dadka gobolka ku sugan ayaa warka siyaabo kala duwan u fasirtay” ayuu yiri Duqa Gaalkacyo.

Hadalkaan kasoo yeeray Duqa Magaalada Gaalkacyo Maxamuud Yaasiim Tumay ayaa wuxuu imaanayaa xilli dhawaan maareeyaha Garoonka diyaaradaha C/laahi Yuusuf uu gabi ahaanba meesha ka saaray jiritaanka wararka ku aadan in ciidan ka tirsan xoogga dalka ay gaareen halkaasi.

Goobjoog News