Duqa Galkacyo Oo La Doortay
Sheeko:Dalka

Gole deegaanka waqooyiga Galkacyo oo ka kooban ilaa 31 xunood ayaa maanta doortay guddomiyaha degmada Galkacyo Maxamud Yasin Axmed.
Maxamed waxaa uu xilkaas heyn doonaa 5 sano ee soo socota, iyagoo ka shaqeyn doona isaga iyo ku xigeenkiisa ammaanka iyo horumarinta gobolka.
Doorashada maanta waxaa ka soo qeybgalay Madaxweynaha Puntland Cabdweli Gaas oo isaga iyo wasiirradiisa ay Goobjoog ka ahaayeen doorashada.
Madaxweynaha Puntland oo goobta ka hadlay ayaa ku dhiirigeliyay dadka la doortay in ay ku shaqeeyaan midnimo iyo wada jir kana shaqeeyaan maslaxadda degmada iyo guud ahaa gobolka.
Goobjoog News