U bood dhigaalka

Duqa Magaalada Garoowe Oo Maanta La Doortay

Sheeko:Dalka

Golaha deegaanka magaalada Garoowe ayaa maanta doortay duqa magaaladaasi, ka dib doorasho Sanduuq lagu codeynayay.

27 xubnood oo golaha deegaanka ah ayaa doorashadaasi ka qeybgalay, waxaana xilkaasi isku taagay illaa 6 musharrax, kuwaasi oo kala ah.

1– Axmed Siciid Geelle (Shoodhe)

2– Cawil Sheekh Xaamud

3– Xasan Maxamed Ciise (Xasan Goodir)

4– Suhuur Xaashi Maxamed
5– Maxamed Jaamac Sooyaan

6– Mahad Maxamed Gaalaco 

Wareegii Koowaad ee doarashada waxaa kasoo gudbay musharraxiinta kala ah. 

1-Axmed Siciid Geelle (Shoodhe) oo helay 7 Cod

2–Cawil Sheekh Xaamud oo helay 7 Cod

3–Xasan Maxamed Ciise (Xasan Goodir) oo isna helay 6 Cod

Ugu dambeyn waxaa wareeggii ugu dambeeyay ee doorashada isugu soo haray Labada Musharrax ee kala ah.

Cawil Sheekh Xaamud oo helay 12 cod

Xasan Maxamed Ciise  oo helay 15 cod.

Guddiga doorashada ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqay natiijada, iyaga oo sheegay in duqa magaalada Garoowe uu ku guuleystay Xasan Maxamed Ciise oo loo yaqaano Goodir. 

Doorashadaan maanta ka dhacday magaalada Garoowe ayaa ololaheeda waxa ay ka socotay guud ahaan magaaladaasi, iyadoo musharrax walba uu horay usoo bandhigay waxa uu qaban doono.

Goobjoog News