U bood dhigaalka

Duqa magaalada Muqdisho oo la kulmay dhigiisa Stockholm

Sheeko:War
Bidix, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) iyo Sten Roland Nordin
Bidix, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) iyo Sten Roland Nordin

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa magaalada Stockholm ee dalka Sweden kula kulmay duqa Magaalada Stockhom Sten Roland Nordin.

Labada Duq Magaalo ayaa kulan ay ku wada yeesheen Stockholm waxay uga wada hadleen xiriirka labada dal, gaar ahaan labada caasimadood ee Muqdisho iyo Stockholm.

Wada hadalkooda oo qaatay muddo saacado ah ayaa waxay si qoto dheer ugu jeex jeexeen xiriir iskaashi oo dhex mara magaalooyinka Stockholm iyo Muqdisho.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu u gudbiyay dhigiisa Stockholm warbixin ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaanna xaaladda Muqdisho iyo howlaha baaxadda leh ee uu gobolka Banaadir  ka wado maamulka uu madaxda ka yahay ee g/ Banaadir iyo in  maamulkiisa uu si weyn ugu howlan yahay in ay  gobolka Banaadir gaarsiiyaan in ay dadka soo doortaan madaxdooda, halka maanta la soo magacaabo.

Inntaa kadib, Duqa Stockholm Sten Nordin oo aad ugu riyaaqay warbixinta duqa Muqdisho Jen. Muungaab ayaa ka codsaday in uu soo arko sida ay dadka Sweden isugu diyaarinayaan doorashooyinka Sweden ka dhici doona, waxayna labada duq Magaalo booqdeen fagaare Stockholm ku yaalla oo ay xisbiyada dalka Sweden ku soo bandhigayeen ololahooda doorashooyin ka dhici doona Sweden 14-ka bisha September 2014.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo booqasho shaqo ku joogay dalka Sweden ayaa intii uu Magaalada Stockholm ku sugnaa wuxuu kulamo la qaatay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Sweden, wasaarada arrimaha dibadda Sweden, hay’adda Sweden deeqaha u qaabilsan ee SIDA iyo Soomaalida ku dhaqan Sweden oo uu kula hadlay kulan soo dhaweyn ah oo loo sameeyay.

Ugu dambeyn, duqa Magaalada Muqdisho Jen. Xasan Maxamed Xuseen  Muungaab ayaa wuxuu dhigiisa Stockholm Sten Roland Nordin u gudbiyay mahad celin la xiriirtay taageerada hagar la’aaneed ee ay dowladda Sweden siiso Soomaaliya iyo weliba sida ay u soo dhoweysay dad badan oo Soomaaliyeed oo dalkeeda ku nool.