U bood dhigaalka

Duqeymo Cirka Ah oo Loo Geystey Saldhig Al-shabaab Ku Lahayeen Baardhaare iyo Dowladda oo Sheegatay

Sheeko:Dalka

Duqeymo xagga cirka ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhaceen magaalada Baardheere halkaasi oo ay gacanta ku hayaan xarakada Alshabaab, waxayna duqeynta ka dhacday saldhig Alshabaab ay ku leeyihiin halkaasi.

Duqeynta kadib hey’adda nabad suggida dowladda ee NISA ayaa fariin ay soo dhigtey boggeeda Twitter-ka waxa ay ku sheegtey in ay iyagu duqeyntaasi ka dambeeyeen, jawaabna u ahayd weerarkii shalay Alshabaab ay ku qaadeen meel u dhow xarunta NISA.

Fariinta NISA laguma sheegin sida ay dowladda ugu suurogashay duqeynta, iyada oo horey loo ogaa in dowladda Soomaaliya aysan heysanin awoodda xagga cirka ay wax kaga duqeyn karto.

Fariinta ayaa lagu sheegey in duqeynta lagu diley saraakiil sarsare oo Alshabaab ka tirsan oo laga magac dhabay nin magaciisa lagu sheegey Yuusuf Xaaji.

7-dii bishii Maarso ayay ahayd markii afhayeenka wasaaradda amniga Maxamed Yuusuf uu saxaafadda u sheegey in dowladda Soomaaliya ay heli doonto diyaaradaha Drones-ka loo yaqaano kuwaasi oo ay u adeegsan doonaan duqeymaha ka dhanka ah Alshabaab. Afhayeenka waxa uu sheegey in dalal ay Soomaaliya saaxiibo yihiin oo uusan magacooda sheegin ay siinayaan diyaaraha.

Waxa ay noqoneysaa markii ugu horeysey oo dowladda Soomaaliya ay sheegato hawlgal xagga cirka ah tan iyo burburkii kadib.

Goobjoog News