U bood dhigaalka

Duqeymo Ka Dhacay Dalka Siiriya Oo Gallaaftay Nolosha Shacab Badan

Sheeko:Dalka

Dad gaaraya  50 ruux ayaa ku dhintay duqeymo loo geystay  Iskuullo iyo Isbitaallo  ku yaalla waqooyiga Siirya, sida laga soo xigtay mas’uuliyiin u hadlay Qaramada Midoobay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Turkiga ayaa ku eedeysay weeraradaa in ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka dalka Ruushka, iyadoo Moscow aysan ka jawaabin eedeymahaa.

Dalka Faransiiska ayaa dhacdadaa ku tilmaamay in ay ka dhigan tahay dambi dagaal iyo xad-gudub loogeystay goobaha danta guud ee dalka Siiriya.

Madaxweynaha dalka Siiriya Bashar al-Assad ayaa isagu wali shaki ka muujinaya qorshaha joojinta cadaawada Siiriya ka Socota, taas oo ay soo bandhigeen quwadaha caalamka.

Dakhaatiirta aan xuduuda laheyn ayaa dhan kooda sheegay in weerarada lala beegsaday Isbitaallada ay ahaayeen kuwo ulakac ah.

Ugu yaraan 12 ruux ayaa ku geeriyooday magaladda Azaz iyo nawaaxigeeda kadib markii laduqeeyey laba Isbitaal iyo laba Iskuul.

In Maarat al-Numan, oo ku taalla gobolka  in Idlib  oo  uu ku yaalay Isbitaal ay maamulaan Daqaatiirta aan xuduuda laheyn  (MSF )  ayaa dhulka lala simay kadib markii ay dhowr gantaal ay ku dheceen.

Waxaana (MSF ) ay sheegtay in halkaas ay ku dhinteen 7 ruux sideed kalana la la’yahay.

Goobjoog News