U bood dhigaalka

Duqeyn Ka Dhacday Deegaanno Hoosyimadda Baladxaawo

Sheeko:Amniga

Diyaaradaha Kenya ayaa saakay aroortii waxay duqeymo ka geysteen agagaarka Tuulada Laan-qurac oo u dhaxeysa degmooyinka Ceel-waaq iyo Balad-xaawo,waxaana duqeyntaasi ka dhashay dhimasho,dhaawac iyo Barakac.

Mahad Xasan oo ka mid odoyaasha Tuulada Laan-qurac oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in duqeymaha diyaaradaha dagaalka ay ka geysteen Tuulada in uu ku dhintay mid ka mid ah odoyaasha Tuulada,halka ilaa Saddex  kale oo ay ku jiraan hooyo iyo Cunugeedana uu soo gaaray dhaawac xooggan.

Dad lagu qiyaasay ilaa lixdan Qoys oo ka mid ah dadkii xoolo dhaqatada ahaa ee deganaa Tuulada ayuu sheegay in ay saaka waaberigii ay bilaabeen in ay ka barakacaan guryahooda,iyagoo ka cararaya duqeymaha is daba joogga ah ee muddooyinkii ugu dambeeyey ka dhacayey deegaanadaasi.

Mahad oo arrintaasi ka hadlayay waxaa uu yiri “ Duqeynta waxaa wax ku noqday nin ayaa ku dhintay hooyo in cunugeedana waa dhaawac, duqeymahaan waa joogto bishii labo jeer ilaa saddex jeer ayay dhacaan”.

Duqeymaha ay ka geystaan diyaaraha Kenya gobolka Gedo ayaa waxaa ay waxyeello daran ka soo gaartaa dadka Shacabka ah kuwaasi oo lala beegsado duqeymaha.

Goobjoog News