U bood dhigaalka

170 Qof oo Ku Waxyeelloobay Duqeyn Ka Dhacday Xero Barakacayaal ah Gudaha Dalka Nigeria

Sheeko:Dalka

Ururka dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa sheegay in Tobanaan qof la dilay Talaadadii, kadib markii diyaarad milatari oo ay leedahay dowladda Nigeria ay si kama’ ah u duqeysay xero qaxooti ah oo ku taalla waqooyi-bari dalka Nigeria.

Qof goobjooge ahaa oo la yiraahdo Aba Abeso ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay “25 qof ayaa ugu yaraan ku dhintay, dad intaa ka badanna dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray”, duqeyntan ayaa dhacayday 9:00 Am, waxa uuna ka dhacay tuulada Rann ee gobolka Borno.

Ururka dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ayaa dhankooda sheegaya ” Koox ururku leeyahay ayaa tirisay 50 qof iyo 120 kale oo dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen, iyoo taasi ay ka dhigan tahay dadka ay waxyeelladu soo gaaray ay gaarayaan 170 qof.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Nigeria oo aan sheegin magaciisa ayaa xaqiijiyay iney duqeyntu jirto, waxaanuu AFP u sheegay;” Dhibaato culus ayaa ka dhacday Rann, diyaarad dagaal ayaa duqeysay goob khaldan”.

Ciidanka Nigeria ayaa beegsada kooxaha Boko Haram oo ka dagaalama guda dalkaas muddo 7 sano ah, dagaalada u dhexeeyay labadan dhinac ayaa waxaa ku dhintay dad gaaray 20,000 qof, 2.6 milyan oo qof ay khasab ku noqotay iney ka barakacaan guryahoda, waxaa ka dhalatay dhibaato Bani’aadamnimo tii ugu darneyd ee qaaradda, iyadoo Qaramada Midoobay ay hadda ka digeyso 5100000(shan milyan iyo boqol kun oo qof) ay waajahayaan kharta ah iney gaajo u dhintaan.

 

Goobjoog News