U bood dhigaalka

Duulimaadyaddii Muqdisho iyo Nairobi oo La Fasaxay

Sheeko:Dalka

Waxaa dib u biloowdey inta badan duulimaadyadii isaga dhex gooshi jirey Nairobi iyo Muqdisho, kuwaasi oo xayirnaa laga soo bilaabo maalintii jimcaha.

Sida ay Goobjoog News u sheegeen dad kala duwan oo ka shaqeeya hawlaha socdaalka, waxaa hadda si toos ah shaqadooda u heysta shirka African Express oo shalay iyo maanta duulimaadyo sameysey, iyo Jubba Airways oo kasii horeysey.

Wararku waxa ay sheegayaan in shirkadaha ay dib u heleen ruqsad amni oo looga baahdey, islamarkaasina cusbooneysiiyeen shatigoodii laanta duulista hawada sare.

Xanibaadda duulimaadyada Kenya ka imanayay ayaa waxa ay horseedey in dad badan ku xayirmaan labada dhinac, islamarkaasina qasaare maaliyadeed ay kala kulmaan shirkadaha.

Goobjoog News