U bood dhigaalka

Duullaanka Ruushka ee Ukrain oo galay Maalintiisii 15aad

Sheeko:Amniga

Iska horimaadyo ayaa Khamiist maanta ah mar kale ku dhex maray duleedka magaalada Kyiv ciidamada Ruushka iyo kuwa Ukraine, iyadoo dagaalku uu galay maalintii 15-aad, Dhanka kalena shir saddex geesood ah ay isugu yimaadeen Wasiirada arrimaha dibadda ee Turkiga, Ruushka iyo Ukraine kaasi oo qey ka ah dadaallada lagu joojinayo dagaalka.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli Ruushka iyo maraykanka uu midba midka kale ku eedeeyay inuu qorsheynayo inuu hubka kiimikada ah ku adeegsado Ukraine.

waxaana Washington ay  carrabka ku adkeysay baahida loo qabo in la abaabulo dadaallada lagu xaqiijinayo madax-bannaanida Ukraine, waxaana madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky uu sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay wadahadal isagoo meesha kasaaray tallaab kasta oo muujinasya idhiibid.

Zelensky waxa uu reer galbeedka dusha usaaray mas’uuliyadda masiibo bini’aadantinimo, hadii aanay hawada Ukrain kusoo rogin aag diyaaradaha ka caagan, waxana uu ku amaanay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden go’aanka uu ku mamnuucay soo dhoofinta wax soo saarka tamarta Ruushka, isaga oo go’aankaasi ku sifeeyay mid tusaale u ah caalamka,Wuxuu sidoo kale uga mahadceliyay ra’iisul wasaaraha Britain Boris Johnson inuu qaatay go’aan la mid ah kan washington.

Madaxweyne Zelensky waxa uu  Ruushka ku eedeeyay in ay weerar xagga cirka ah ku qaadeen isbitaal carruurta lagu xanaaneeyo oo ku yaalla magaalada koonfureed ee Mariupol, wuxuuna soo dhigay bartiisa Twitter-ka muuqaal laga duubay isbitaalka la burburiyay.

Dhankiisa, afhayeenka wasaaradda difaaca ee Ruushka Igor Konashenkov ayaa ku dhawaaqay in 90% garoommada ciidamada Ukraine laga saaray shaqada, isagoo raaciyay in ciidamada Ruushku burburiyeen 146 diyaaradood oo ay lahaayeen ciidamada cirka Ukraine tan iyo markii ay bilaabeen howlgallada militari.

Dhinaca kale xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Anthony Blinken ayaa sheegay in Ruushka uu la kulmi doono guuldarro istiraatiji ah.

Taliska guud ee ciidamada qalabka sida ee Ukrain ayaa iyaguna shaaciyay khasaare lexaad leh inay gaarsiiyeen ciidamada Ruushka.

Sida talisku kuwaramay, Ilaa 12,000 oo askari oo Ruush ah ayaa la dilay tan iyo markii uu bilowday duulaanka, waxaana xoogagga Ukrain usuuro gashay inay burburiyaan 335 taangi, iyo inkabadan kun gaadiidka dagaalka ah.

 

Iyadoo dagaalladu ay socdaan ayaa hadana waxa dhanka diblomaasiyadda loo qaaday tallaab muhiim ah

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa dalkiisa kusoo dhoweeyay dhiggiisa dalalka Ruushka iyo Ukrain Sergey Lavrov iyo Dmytro Kuleba si loosii amba qaado kulan saddex geesood ah oo sadaxda nin uga furmay magaalada  Antalya, xeebaha koofureed badda meditreanka.

 

Gulufka go,doominta Ruushka ee galbeedka laga wado

Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa fiidnimadii Arbacada ansixiyay miisaaniyadda cusub ee dowladda federaalka oo ay ku jirto cadad maaliyadeed oo culus oo ku dhow 14 bilyan oo doollar kaas oo loo qorsheeyay in looga caawiyo Ukraine ka hortagga waxa Washington ay ugu yeertay duulaanka Ruushka iyo cawaaqibka ka dhalan kara.

Gargaarka ayaa isugu jira mid dhaqaale iyo mid bini’aadantinimo, iyadoo ay sii dheer tahay dhaqaalaha loo qoondeyn doono in Kyiv lagu siiyo hub iyo rasaas, balse waxay u baahan tahay ansixinta Senatka si loogu gudbiyo madaxweyne Joe Biden oo ansixintiisa kadib lagu shaqeyn doono miisaaniyadda.

qoondada ayaa sidoo kale waxaa ku jira in ka badan $6.5 bilyan oo loogu talagalay waaxda gashaandhiga ee Pentagon, taas oo si gaar ah loogu isticmaali doono in ciidamo dheeri ah la geeyo gobolka, sidoo kale waxaa jira dhaqaale loo qoondeeyay in lagu maalgeliyo tallaaboyin kadhan ah Moscow oo ugu horayso cunaqabataynta uu Maraykanku ku soo rogay xubnaha sarsare ee Ruushka.

 

Ciidamada Ruushka oo kusii dhowaanaya Kyiv

Codadka digniinaha ayaa mar kale laga maqlay magaalada Kyiv dalka Ukraine, kahor inta aysan diyaaradaha Ruushku duqeymo kafulin Caasimadda.

Warbaahinta Ruushka ayaa soo bandhigtay sawirro ay ku sheegtay in ay muujinayaan horumarada ay ciidamada Ruushka ka sameeyeen Gulufka ay kuyihiin caasimadda Ukraine ee Kyiv. Warbaahinta Ruushka ma aysan cayimin goorta iyo goobta sawirada laga qaaday.

Dhanka kale goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Bohdanivka ee bariga ka xigta caasimada Ukraine ee Kyiv iyo magaalooyin ku xeeran.

GOOBJOOG NEWS

W\Q: Yahye Abdullaahi Soocade.