U bood dhigaalka

Eedeysane Dil Geysay oo Xukun Lagu Riday

Sheeko:Amniga

Maxakamadda gobolka Mudug  ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa xukun dil ah ku ridday eedeysane Cali Maxamed Jaamaca, ikaas  oo Da’diisa lagu sheegay 40 jir, isaga oo lagu  eedeeyay inuu dil u geystay Marxuum Cabdullaahi Xasan Guuleed  oo ka dhacay deegaan hoos taga degmada Goldogob ee gobolka Mudug 7-kii bishaan  May 2022-ka.

Xeer ilaalinta ayaa maxkamadda ka hor cadeysay in marxuumka la dilay dilkiisa loo isticmaalay qoriga AK47, waxaana Cali uu xabad kaga dhuftay Killida bidix, taas oo sababtay inuu geeriyoodo Marxuumka, waxaana xeer ilaalintu sheegtay in dilka uu si bareerka ugu geystay marxuumka   oo ay wada deganaayeen deegaanka Nugaal Gibin oo Goldogob hoostaga.

Dhagaysiga iyo cadaymihii lasoo bandhigay kadib  waxaa gunaanadka maxakamadda ku dhawaaqay guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Mudug ee Galmudug  Abuukaate Cabdirisaaq Cali Yuusuf, ayaa sheegay in eedeysane Cali Maxamed Jaamaca lagu xukumay dil toogasho oo ah qisaasta marxuum Cabdullaahi Xasan Guuleed oo lagu dilay Nugaal Gibin.

Goobjoog News