U bood dhigaalka

Eedeysane lagu xukumay Xabsi, Kadib Qarax uu aasay isaga

Sheeko:Amniga

Maxakmadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa xukun xabsi daa’in ah ku ridday Cabdullaahi Cabdi Muuse Jimcaale (Sharmaarke) kaas oo lagu soo qabtay miino uu ku aasayay inta u dhaxeyso Aasay Sabiid iyo Caanoole.

Sharmaarke ayaa la sheegay in uu alshabaab u qaabilsanaa qaraxyada, waxaana 3 june lagu soo qabtay isaga oo 7 miino ku aasay kuna qarxiyay  Waddooyinka Buufow Bacaad, Wadada Janaale, iyo Wadada Sabiib iyo Caanoole.

Eedeysanahan ayaan xafiiska xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida loo soo gudbiyay bishii August  ee sanadkaan.

Cabdullaahi Cabdi Muuse Jimcaale (Sharmaarke)  ayaa Al-shabaab la sheegay in uu ku biiray isaga oo jira da’da 15-ka sano ah, waxaana uu tababar uu ku soo qaatay tuulada Doolaale ee hoostagta gobalka Baay.

Ururka Alshabaab ayaa uu mushaar ahaan eeedeysane Cabdullaahi Cabdi Muuse Jimcaale (Sharmaarke)  kaga qaadanayay lacag dhan $200.

Eedeysanaha ayaa la sheegay in uu dhaawac ka soo gaaray qaraxyo uu isaga aasay taas oo lagu soo qabtay, waxaana dood dheer iyo fadhi ay maxkamadda ka yeelatay kadib dacwaddiisa ay maanta ku dhawaaqday xukunka eedeysane Cabdullaahi Cabdi Muuse Jimcaale (Sharmaarke).

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka eedeysane Cabdullaahi Cabdi Muuse Jimcaale (Sharmaarke) oo lagu xukumay xab daa’in.

Eedeysanaha ayaa kaliya hadda haysta mudda 30 cisho ah oo uu go’aanka maxkamadda kaga qaadan karo racfaan.

Goobjoog News