U bood dhigaalka

Ehelada Haweeney Askari Ka Tirsan Ciidamada Dowladda Uu Muqdisho Ku Dilay Oo Dalbaday Cadaalad

Sheeko:Amniga

Ehelada Hooyo Faadumo Cali Cismaan oo loo yaqaanay Faay Beeso ayaa dowladda federaalka ka dalbaday in ay helaan cadaalad.

Faay Beeso ayaa sakaa lagu dilay xaafadda Xoosh ee degmada dharkiinley, iyadoo dilkeeda uu ka dambeeyay askari ka tirsan ciidamada dowladda.

Dilka ayaa yimid kadib markii muran uu soo kala dhex galay askariga dilka geeystay iyo Hooyada la dilay, taas oo markii dambe ay Faadumo Cali ka hor geerideeda ay isku dayday in ay Askariga uga dacwooddo sarkaalkii uu ilaalada u ahaa balse askariga markii dambe uu ku furay hooyada rasaas sababtay in ay u dhimato.

Ehelada Faadumo Cali Cismaan ayaa dalbaday in cadaaladda la soo hor istaajiyo askarigii ka dambeeyay dilkaan.

Goobjoog News