U bood dhigaalka

Ehlada Dad Ay Ciidanka Kenya Ku Dileen Gedo Oo Fariin u Diray Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Mid ka mid ah Ehlada 5 nin oo dhawaan ciidamada Kenya ku dileen gobalka Gedo ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya waxa uu ka dalbaday in ay soo farageliso arintaasi, ka dib markii uu tilmaamay in ay Kenya ay diiday bixinta diyada dadkaasi.

Maxamuud Cali oo ehel la ah dadkaasi lana soo xiriiray Goobjoog News ayaa sheegay in kolkii hore lagu balamay in Kenya ay bixiso magta ragga ay dileen ciidankooda, hase yeeshee hadda ay diideen.

Waxa uu tilmaamay in kiiskan waraaqadihiisa loo gudbiyay dowladda Federaalka Soomaaliya mar hore islamarkaana aysan u muuqan tallaabo dowladdu qaaday.

“Ciidamada Kenya ayaa dilay Shan rag ah oo waliba walaalo isku dhaw ah, markaan arrintaasi ku qabsannay saraakiishooda waxa ay sheegeen in diyo ay bixinayaan, sidii aan u sugaynay hadana waxa ay dhaheen waxba idiin ma hayno, dowladda Federaalka arrintaan waa loo gudbiyay, laakiinse weli wax ay ka qabatay uma jeedno, sidaa darteed waxaan dalbaneynaa in dowladda aysan arrintaan indhaha ka laaban oo ay wax ka qabato” ayuu yiri Maxamuud Cali.

Ciidamada Kenya ayaa dhowr jeer oo horay waxaa lagu eedeeyay in dad shacab ah ay ku dileen deegaanno ka mid ah gobalka Gedo, iyadoo wax war ah aanu arrintaasi kasoo saarin maamulka gobalkaasi.

Goobjoog News