U bood dhigaalka

Ehlada Dadkii Askarta Itoobiya Ku Dileen Deegaanka Halgan Oo Dowladda Soomaaliya Fariin u Diray

Sheeko:Dalka

Ehlada Shan ruux oo ciidamada Itoobiya ku dileen duleedka deegaanka Halgan ee gobalka Hiiraan ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday in dedeg ay arrintaasi jawaab uga bixiso.

Salaad Diiriye  Cabdulle oo ka mid ah ehlada dadkan la dilay ayaa u sheegay Goobjoog News in dadkaasi si kas ah loo dilay, lana ogaa in ay shacab ahaayee.

Waxa uu sheegay in ciidamada Itoobiya ay qabteen gaarigaan oo ku socday Tacsi, islamarkaana ay saarnaayeen Haween iyo rag oo ehel wada ahaa.

Waxa uu tilmaamay in dhammaan dadkaasi laga soo wada dejiyay gaariga islamarkaana meel la’isugu geeyay, sidaasna dadka lagu laayay waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Ciidamada Itoobiya waxa ay soo dejiyeen dhammaan dadkii saarnaa gaariga, waxa ay ku amreen in ay meel isugu tagaan, askari Itoobiyaan ah waxa uu lasoo baxay Bambo dhexda ayuu uga tuuray laakiinse nasiib wanaag waa ay qarxi weysay, mid kale ayuu hadana ku tuuray, iyana wey qarxi weysay, ka dib qori AK-47 ayuu soo qaatay waxaana uu dadkii ku amray in madaxa ay dhulka wada dhigaan mid mid ayuuna dadka xabad ugu dhuftay, ka dib waxa ay usoo laabteen gaarigii oo ay rasaas sida ay ugu wadeen ku gubeen” ayuu yiri Salaad Diiriye

Salaad oo araga la islamarkaana dul fadhiya wiilkiisa oo xaalad halis ah ku sugan ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo AMISOM in arintaan ay warcad kasoo saaraan.

“Dowladda Soomaaliya iyada ayaa dalkaan maamusha, waxaan ka rabnaa in jawaab cad ay ka bixiso shacabkaan la’iska laayay, sidoo kale AMISOM maadaama ciidamada wax laayay ay iyaga ka mid yihiin jawaab ayaan ka rabnaa” ayuu yiri Salaad.

Dadkaan ayaa saarnaa gaari Homey ah, waxaana halkaasi ku dhintay Shan Qof, iyadoo dhaawacana la sheegay in Lix ruux ay yihiin.

Goobjoog News