U bood dhigaalka

Ehlada Dadkii Dhawaan Askarta AMISOM Ay Ku Dileen Marka Oo Fariin u Diray Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Ehlada dadkii dhawaan ciidamo ka mid ah AMISOM ay ku dileen magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabellaha Hoose, ayaa dowladda Soomaaliya fariin u diray, ka dib markii ay sheegeen in illaa iyo iminka aanay wax jawaab ah hayn.

Maxamed Siidow oo la dhashay dhalinyaradii lagu dilay magaalada Marka sidoo kalena ay ciidamada AMISOM dileen Aabihiis oo macalin ahaa ayaa isaga oo u waramay Goobjoog News, waxa uu sheegay in weli dowladda iyo AMISOM aysan ka helin wax jawaab ah oo ku aadan dilka loo geystay dadkaasi shacabka ahaa.

Waxa uu tilmaamay in dhacdadii dadkaasi lagu dilay aanay marnaba iloobi doonin, ayna ahayd mid uur ku taallo leh, marka loo eego sida ay wax u dhaceen.

“Anaga ma iloobi donno sida dadkeena la yeelay, aroos baan qabnay, si arexan darro ah ayaa loo dilay walaalahay iyo Aabahey, haweenkiio wey jirdileen, dahab iyo lacag badanna wey qaateen. sidoo kalena waxaan jawaab laga bixin dhacdadaasi ay geysteen ciidamada AMISOM” ayuu yiri Maxamed Siidow.

Sidoo kale muwaadinkaan ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahnaa inay xiriir lasoo sameyso ehlada dadka la dilay, balse weli aysan taasi dhicin, waxaana uu ku baaqay in arrintaasi aan la yareysan oo dowladda la xisaabtan dhab ah kala gashaa taliska AMISOM ee Soomaaliya.

Goobjoog News