El Salvador: Waxaa Madaxweyne Loo Doortay Nin Asal Ahaan Kasoo Jeeda Falastiin
Sheeko:Dalka

Nayib Bukele, oo horay u soo noqday duqa caasimadda El Salvador ayaa ku guuleystay doorasho axaddii ka dhacday dalkaasi, isaga oo soo afjaray nus qarni dalkaasi ay heysteen 2 xisbi.
Maxkamdda sare ayaa ku dhawaaqday inuu doorashada ku guuleystay Bukele, waxaa uu helay 54% oo ah 90% codadka la tiriyey.
Nayib Bukele, waxaa uu doorashada ku soo galay la-dagaalanka musuqa isaga oo sheegay “ Lacagta waa nagu filnaan kartaa haddii aan qofna wax xadin”.
El Salvador waa dal yar, dadkeeda tiro ahaan waa 6.5 million, saddex meel waxaa ay ku noolyihiin faqri.
Nayib Bukele, waa 37 jir, waxaa uu asal ahaan ka soo jeeda Falastiin, waxaana la leeyahay waa siyaasi mustaqbal leh.
Goobjoog News