U bood dhigaalka

Eng Axmed: Amnigiii Yaraa ee Lagu Heystay Degmada Diinsoor Ayaa Gacanta Ka Baxay

Sheeko:Amniga

Eng Axmed Macallin Cali oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ka soo jeeda deegaannada maamulka Koonfur galbeed islamarkaana wareysi dhinaca internedka ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in amnigii yaraa ee lagu heystay degmada Diinsoor uu gacanta ka baxay ka dib shaqaaqooyin magaaladaasi ka dhacay.

Aqoonyahan Axmed Macallin ayaa yiri “Amnigii yaraa ee la heystay ayaa gacanta ka baxay waxaa degmada ka dhacay shaqaaqooyin ku saabsanaa anooyin qabiil”.

Sidoo kale Aqoonyahankaan ayaa ka dhawaajiyay in isabadalka lagu sameeyay guddoomiyaha Diinsoor aysan waxba ku soo kordhin hormarka Koonfur galbeed waxa uuna hoosta ka xariiqay in ay meesha ka baxeen adeegyadii aasaasiga ahaa sida caafimaadka iyo waxbarashada.

“Marka isbadalka la sameeynaayo waxaa loo baahanyahay in dadka deegaanka wax loo kordhiyo ee aan wax laga dhimin waxay ahayd in dad karti aqoon leh lagu soo badalo laakiin waxaa naloo keenay guddoomiye aan khibrad lahayn, dhibaatooyinka deegaanka hadda heysta waxaa ka mid ah dhinaca waxbarashada ayaa ebar ah iyo dhamaan adeegyadii bulshada” ayuu yiri Eng Axmed.

Dhanka kale Aqoonyahanka ayaa soo hadal qaaday xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Koonfur galbeed iyo iswaafajinta lagu sameeyay doorashada guddoonka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha ee maamulkaasi waxa uuna yiri “Xildhibaanadaan waxaa soo xushtay madaxweyne Laftagareen, waxaa tuhun badan laga qabi lahaa in xildhibaanada maanta jooga uu madaxweynaha soo sameystay sidaa darted ay u codeen doonaan mustaqbalka laakiin maadaama la is waafajiyay doorashada soo socoto waxaa imaan doono xildhibaano cusub”

Aqoonyahan Axmed oo sii hadlayay ayaa tilmaamay in askarta joogta Koonfur galbeed aysan awood u lahayn inay furan isku socodka waddooyinka maamulkaasi.

Maamulka Koonfur galbeed ayaa lagu dhaliilaa inaysan waxba ka qaban tacaddiyada loo geysto dadka aan waxba galabsan ee deegaannada maamulkaasi ku sugan, sida ay sheegayaan siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada ka soo jeeda  maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Laftagareen.

Halka Ka Daawo Warysi Dhinaca Skyp-ka Uu Eng Axmed Macallin Siiyay Goobjoog

Goobjoog News