U bood dhigaalka

Eng. Axmed Salaad Dhiblaawe “Muqdisho City Club, Waxay Dhigaysaa Bannanbaxii Ugu Weyn Ee Loogu Soo Horjeedo Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya”

Sheeko:Cayaaraha

Maamulka naadiga Dowladda Hoose ee Muqdisho City Club ayaa sheegay in ay Magaalada Muqdisho ka dhigayaan bannanbax weyn oo loogu soo horjeedo Xiriirka Kubbadda Cagat Soomaaliya, wuxuuna banaanbaxan ku soo aadayaa,iyadoo 02-08-2021 naadiga Horseed la siiyay horyaalka Soomaaliya oo labada koox ku xifaalmayeen sanad ciyaareedka 2020-201.

“Kooxda Muqdisho City Club, waxay dhigaysaa bannanbaxii ugu weyn ee loogu soo horjeedo Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya, waxayna maamulka kooxda Muqdisho sheegeen in bannanbaxan lagu raadin horoamrinta kubbadda cagta Soomaaliya” sidaas waxaa Goobjoog Sports u sheegay Xoghaya Guud ee Muqdisho City Club Eng. Axmed Salaad Dhiblaawe.

“Wax badan waan ka aamusanay horomar la’aanta kubbadda Cagta Soomaaliya, Muqdisho City Club markan waxay ciyaaraysaa dookeeda badbaadinta kubbadda cagta dalka, wuxuuna bannanbaxan badbaadin iyo jiheyn u yahay geedi socodka kubbadda cagta Soomaaliya” ayuu Goobjoog Sports Guddoomiyaha naadiga MCC mudane Abuukar Maxamed Sheekh.

Daawo Waraysi Uu Xogahaya MCC Siiyay Goobjoog Sports

Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan Muqdisho City

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/muqdisho-city-club-oo-si-weyn-ugu-dabaal-dagtay-hanashada-horyaalka-soomaaliya/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle